U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Fuliyey Mudug

Sheeko:Amniga

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Maamiye ee gobolka Mudug, halkaasi oo diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen.

Diyaaradahan ayaa bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab, waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar qura la maqlay jug xooggan.

Gaarigii bartilmaameedka ahaa ayaa gabi ahaanba burburay, balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Xaaladda deegaanka Maamiye waa mid deggan, hase ahaatee nawaaxiga halka ay wax ka dhaceen dadkii deganaa ayaa isaga tagay si aanay dhibaato usoo gaarin.

Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa dalka ka fulisa dowladda Maraykanka oo taageerta dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News