U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Fatahaadda Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Waxaa soo kordhaya tirada dadka ku dhintay Fatahaadda Wabiga Shabelle ee uu ka sameeyey qaar ka mid ah gobollada uu dalka ka maro.

Afar qof ayaa la xaqiijiyey in uu gabal dhacii shalay wabiga ka qaaday xaafadda Buunda-weyn ee B/weyne, kuwaasi oo la sheegay in ay dhinteen.

Sidoo kale, deegaanno ku dhow B/weyne ayaa lasoo sheegayaa in laga helay Meydadka qaar ka mid ah dadkii shalay ay doonta kula rogmatay magaaladaasi.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa wadarta dadka ku dhintay Fatahaadda B/weyne waxay ku dhow yihiin 15 qof, waxaana soconaya gurmad aad u xooggan.

Biyaha ayaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa ah kuwo aad usii xoogeysanaya, taasi oo xaaladda meesha ka jirta halis kasii dhigeysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News