U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Xaaladda Amni iyo Siyaasadeed ee Puntland

Sheeko:Amniga

Xaaladda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka deggan kadib markii xalay isku dhaceen ciidamo ilaalo u ah baarlamaanka iyo kuwa madaxtooyada ah.

Dagaal muddo socday oo ay ku dhinteen ilaa 3 qof kadib waxaa la sheegayaa in hadda ay xarunta la wareegeen ciidamo ka tirsan booliiska Puntland.

Cabdi Xakiim Dhoobe Daareed a oo ah afhayeenka golaha wakiilada Puntland oo arrintan ka hadlay ayaa yiri “ Xukuumadda ayaa isoo weerartay…ma jirto wax aan madaxweynaha ogeyn oo la fulin karo, falkaas ciidanka fuliyay xoog bey damceen inay xarunta kula wareegaan, ilaaladana waa iska caabiyeen”.

Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada oo ka badan 30 xubin ay guddoomiyaha ka gudbiyeen mooshin, arrintaas oo iyadana qeyb ka ah cadaadiska.

Ilaa hadda ma jirto war ka soo baxay dowladda federaalka ah oo la xiriira xasiloonni daraha ka socota Puntland, oo ka tirsan goobaha ugu xasilan maamul, amni iyo siyaasad ahaa ee JFS.

Ma fiicno xiriirka madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Villa Somalia, waxaan la ogeyn sida ay dowladda federaalka ah ugu lug leedahay arrimaha ka socda Puntland.

Wararkan kala soco

Goobjoog News