U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Howlgalka Ay Ciidanka DFS Ka Wadaan J/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka  oo garabsanaya kuwa Jubbaland ayaa howlgal ballaaran waxay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadan ayaa gaaray deegaanno ku dhow degmada Jamaame ee gobolkaasi, waxaana la sheegay iney dagaallo kooban kala horyimaadeen Al-shabaab.

Xasan Maxamed Aadan, Taliyaha ciidamada Danab ee deegaannada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalladaasi guullo ku gaareen, ayna deegaanno badan ka sifeeyeen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, kana saari doonaan deegaannada Jubbooyinka.

“Waxaan sameennay howlgal aan ku ciribtireyno nabad diidka, waxaan soo gaarsiinnay jab aad u weyn” ayuu yiri taliyaha.

Ugu dambeyn, taliye Xasan ayaa ka dalbaday shacabka Jubbooyinka iney si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka, si ay u sahlanaato iney kaga adkaadaan Al-shabaab.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoog News