U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Howlgallo Ay Ciidanka DFS Ka Wadaan Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka wadaan deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee aynu helnay waxay sheegayaan in ciidamada ay la wareegeen dhowr fariisin oo ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha xoogga dalka ee howlgalkaan wada ayaa sheegay in ay gaari doonaan deegaanno badan oo ay maamulaan Al-shabaab, islamarkaana howlgalka uu socon doono.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News