U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax Ka Dhaca Gobolka Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo khasaare geystay.

Deegaankan waxaa marayey ciidamo la sheegay iney yihiin Kenya oo gaadiid watay, hase ahaatee Miinada ayaa haleeshay Gaaro Hoomey ah oo waday qudaar, islamarkaana ka horreeyey gaadiidka ciidanka Kenya la socdeen.

Labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxan, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii la socday gaariga Hoomeyda ah.

Qaraxa kadib, ciidanka Kenya ee iyaguna halkaasi marayey ayaa rasaas kor u riday, islamarkaana xiray nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee qaraxyada sidan oo kale ayaa looga bartay iney fuliyaan Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News