U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Roobab Dabeylo Watay Oo ka Da’ay Guud Ahaan Puntland

Sheeko:Dalka

Deegaannada dhaca dhulka Xeebta ah ee gobalka Bari,ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka da’ayey roobab xoogan oo dabeylo watay kuwaas oo biyo badan dhigay togagga waayeyn ee gobalka Bari.

Degaannada ay saameeyeen xooggan ka geysteen roobabka ayaa waxaa kamid ahaa Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda Bosaso iyo deegaanno ku dhaw dhaw, waxaana maqan qadka isgaarsiinta taleefannada, deegaannadaas roobabka ayaana wali ka da’aya gobalada Bari, Nugaal iyo Mudug.

Sidoo klae wararka laga helaayo gobalaka Bari ayaa tilmaamaya in roobabkii ka da’ayey saacadihii la soo dhaafay ay ka dhasheen daadad xoogan kuwaas oo sameen ku yeeshay isku socodka dad, gaadiidka  iskaga kaa gudbaayey gobalka iyo dadkii jilaabatada ahaa ee daganaa dhulka xeebta ku teedsan.

Dhanka kale dadaadka  xoogan oo xalay saqdii dhaxe ka soo rogmaday togaga gobalka ayaa  waxaa ay qaadeen ilaa sedex gaadiidka xamuul ah  iyo waliba dadkii saarnaa oo iskaga gudbaayey gobalka Bari kana soo anbabaxay Dekadda magaalada Bosaso, inkastoo ciidamada ay soo samata bixiyeen dadkii la socday gawaaridaas mana jirin ruux ku geeriyooday.

Ugu danbeyn dowlad gobaleedka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Bari iyo deegaannada kale ee Puntland in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa inta ay da’ayaan roobabkaan dabeylaha wato, ayagoona xusay in adag tahay in lagu dhex safro roobkaan saacad walibana uu geysan karo saameyn.

Goobjoog News