U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Degmada Wanlaweyn Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Amniga

Deganaanshiyo aan cago badan ku taagneyn ayaa maanta laga soo sheegayaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay illaa iyo xalay ay ka dhaceen dagaallo u abaabulan qaab qabiil.

Wariyeyaal ku sugan Wanlaweyn ayaa u sheegay Goobjoog in maanta ay xaaladda ka yara deggan tahay sidii shalay, waxaana wararku sheegayaan inuu jiro dhaq-dhaqaaq ay kala wadaan dhinacyadii dagaallamay.

Dagaalkan ayaa markiisii hore waxa uu kasoo bilowday dhanka baadiyaha, hase ahaatee markii dambe magaalada ayeey Maleeshiyadii dagaallameysa isla soo galeen.

Waxaa socda dedaallo badan oo ay wadaan waxgaradka ku dhaqan Wanlaweyn si loo qaboojiyo xiisadda halkaasi ka jirta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News