U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Baydhabo Oo Qaraxyo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Waxaa halkaasi ku dhintey 7 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, iyadoo qaraxa Labaadna lala eegtay maqaayadda Beder oo la xaqiijiyey in Saddex qof oo uu ku jiro Nabadoon caan ah ku dhiteen.

Saraakiisha caafimaadka ee Baydhabo ayaa sheegay in dhaawaca uu gaarayo 20 qof oo shacab ah.

Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay.

Goobjoog News