U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Sabti ah ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladdu guud ay tahay mid deggan, walow shalay magaaladaasi ka dhaceen is rasaaseyn u dhaxeysay ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

Ciidamadii shalay is rasaaseeyey ayaa weli lasoo sheegayaa iney isku horfadhiyaan xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, iyadoo shacabka ay ka baqayaan in  mar kale halkaasi lagu dagaallo.

Culimada iyo waxgaradka Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa iney wadaan dedaallo ay ku doonayaan iney ku xalliyaan xaaladda kasoo cusboonaatey magaalada Gaaalkacyo.

Suuqa weyn ee Gaalkacyo ayaan furmin, iyadoo uu jirey heshiis ay gaareen hoggaanka maamullada Puntland iyo Galmudug.

Weli wax war ah dagaalkii shalay dhacay kama aaney soo saarin Puntland iyo Galmudug, iyadoo halkaasi shalay ay ku dhinteen Labo ruux oo qof shacab ah uu ku jiro.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News