U bood dhigaalka

Waraysi-“Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud Isboortiga Kaalin Weyn Ayuu Ugu Fadhiyaa Bulshada Soomaaliyeed”

Sheeko:Cayaaraha

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ah golaha shacabka ayaa waraysi uu siiyay Goojoog waxa uu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada iyo horomarinta ciyaaraha iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed meelbo ay joogaan.

“Ciyaartooyda imaanaysa dalka waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dalkooda iyo dhaqankooda”sidaas ayuu Goobjoog u sheegay Xildhibaan Xaasan Macalin.

Xildhinaan Xasan Macalin Maxamuud waxa uu door wacan ka dheelay in ay caasimada yimaadaan tababarayaal iyo ciyaartooy Soomaaliyeed kuwaas oo wadanka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October 2018 waxaana kooxdaas ay ka kala yimaadeyn dalalka England,Norway,Sweden,Canada,America iyo Kenya.

“Kaliya wax yar ayaa iminka ka qeyb qaatay mustaqbalka waxaan jeclahay in aan door wacan ka ciyaaro garab istaagida xirfadlayaasheena waana waajib na saaran hadii aanu nahay xilidhibaanada golaha shacabka”.

safarka kooxda imaaday bishii October waxaa laga faa’iday laacib Feysal Xasan Axmed oo ku noolaa dalka Norway tan iyo bishii November xulka qaranka ayuu u dheelay saddex kulan wuxuuna u dhaliyay ilaa afar gool  bishii hore xulka Ethiopia ayuu ka dhaliyay gool aad u wanaagsan ka dib markii labada dal ay wada ciyaareyn is reeb reebka tartanka olimkada aduunka.

Xirfadyahan Feysal todobaadyo ka hor waxa uu noqday xidigii ugu horeeyay oo xulka qaranka dalkeena u dhaliya saddelay ama hatrick,isagoo goolashaas ka dhaliyay xulka  wadanka Jabuuti oo ay la ciyaareyn kulan saaxiibtnimo ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna arintaas dhiiri gelin u noqotay ciyaartooy badan oo ku koray qurbaha,iyagoo iminka rajayna in ay dheelaan xulka qaranka Soomaaliya ee (Ocean Stars).

Hadaba Halkan Ka Daawo Waraysiga Oo Dhameystiran

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1529508433859576/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle