U bood dhigaalka

Warbixin : 5600 Oo Ka Tirsan Daacish Waxay Ku Laabteen Wadamadooda

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saartay xarunta cilmi baarista ee Sofaan oo saldhiggeedu yahay wadanka Mareykanka ayaa waxay sheegtay in waxaan ka yareyn 5600 oo ka tirsan dagaalyahannada ururka Daacish ay ku laabteen wadamadooda.

Qeyb ka mid ah tiradaan oo gaareyso 850 waxay ku laabteen wadanka UK, warbixinta la soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in tirada Daacish oo ku laabaneyso wadamadooda ay halis ku yihiin amniga iyo deganaashaha wadamada ay ku laabanayaan.

Daacish ayaa waxay ku jabeen in badan oo kamida wadamada Suuriya iyo Ciraaq tan iyo sandkii 2014 markaasi oo ay heysteen qeybo badan oo ka mida wadamadaani.

Cadeymo la helay ayaa waxay tilmaamayaan inay u kala laabteen wadamada Sacuudiga,Ruushka,Tunisa iyo Sacuudi Carabiya.

Goobjoog News