U bood dhigaalka

Warbixin: 8 Arrin Oo Ka Qaldanaa Kulanka “Maqal Dadkaaga” Ee Xukuumadda Iyo Warbaahinta

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhacay  kulan loogu magac daray  “Maqal Dadkaaga” kaas oo xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku sheegtay isla xisaabtan u dhaxeeya golaha wasiirrada iyo warbaahinta, marka laga soo tago qabsoomidda kulanka halkaasi kama dhicin wax isla xisaabtan ah, waxaa ay xukuumadda heshay fursad ay ku suuq-geyso fikradaheeda, warbaahintana waxaa ay meesha ka soo tagtay iyaga oo faro-maran!!

Hadaba Halkan Ka Akhriso, 8 Qalad Oo Ka Dhacay Kulanka Maqal Dadkaaga Ee Xukuumadda Iyo Saxaafadda:

1. Dhambaalka Hanti-dhowrka :  Xukuumadda Xasan Khayre waxaa ay iska soo hormarisay hanti-dhowraha qaranka si ay shacabka ugu dirto fariin ah in ay tahay xukuumad nadiif ah, isagana ma niyad-jabin oo ammaan ayuu ugu dhaqaaqay xukuumadda iyo shaqadeeda, kamana hadlin wax badan oo laga sugayey oo ah heerka musuqa dalka oo dunida kaalinta 1aad ugu jira, shaqaaleysiinta xukuumadda, hantida ma guurtada ah ee dowladda cidda ka faa’ideysta…iyo arrimo kale!  Meel xukuumad lagula xisaabtamayo in uu hanti-dhowraha yimaado waxaa ay niyadda ka jebisay weriyeyaasha, in uu xukuumadda ammaano waxaa ay so af-jartay isla xisaabtanka!!!!

2. Xukuumadda wax Cusub Ma Sheegin: Xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay barnaamijka u qabatay suuq-geynteeda, inta xalay ay sheegtay waa arrimihii ay horay uga hadashay barnaamijka 100ka maalmood ee xukuumadda, qoraalkii hore ayey muuqaal u badashay.

3. Su’aalo Cusub Ayaa Ka Dhashay:  Kulanka waxaa loo qabtay in umadda looga jawaabo su’aalaha ka dhex guuxaya oo bog cusub la furo, laakin waxaa meesha ka dhashay su’aalo cusub oo ay ku jiraan, Sababta Sanbaloolshe xukuumadda u afduubay si loo ogaado halka uu jooga hoggaamiyihii ONL Qalbi-dhagax.

4. Shir Jaraa’id Ayuu Kulanka Ahaa: Saxafiyiinta meesha tagay uma muuqan qaar la xisaabtan meesha u tagay, ma aheyn dad soo akhriyay sharciyada dalka, caqabadaha hortaagan hey’adaha dowladda, baahida shacabka….waxaa ay xukuumadda weydiiyeen su’aalo iska caadi ah oo caajis ah!

5. Musuqa waa in Sharci Loo Helo: Ra’isul Wasaaraha kama jawaabin arrimaha musuqa dalka, dal la leeyahay waa midka ugu musuqa badan caalamka, hadana marka laga hadlayo arrimahaasi si guud mar loo dulmayo, isaga oo kubadda ku tuuray baarlamaanka federaalka ah iyo ansixinta sharciga la dagaalanka musuqa.

6. Adeeg Bulsho Lagama Hadlin: Ra’isul wasaaraha iyo xukuumadda waxaa ay ka hadleen siyaasadda iyo amniga, ma sheegin wax adeeg ah oo shacabka loo qaban doono, gobollada dalka wax qorshe ah oo loo hayo halkaasi laguma soo bandhigin.

7. Saxaafadda iyo Isla Xisaabtan: Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa uu marar badan ku celiyay in Saxaafadda isla xisaabtanto, ma sheegin ujeedka uu ka leeyahay, laakin waxaa uu u muuqdey nin doonayey in xukuumadda iyo saxaafadda isku aragti noqdaan, arrintaas oo aan ku jirin horumarka dalka iyo dadka.

8. Saxafiyiin Xukuumadda La Dhacsan: Saxafiyiinta laga soo xulay warbaahinta ee goobta loo geeyay in ra’isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa  la xisaabtamaan intooda badan waxaa ay ku faraxsanaayeen la kulanka ra’isul wasaaraha, wasiirrada iyo shakhsiyaadka goobta joogay, su’aalaha ma aheyn kuwoo isla xisaabtan ah, arrintaasi waxaa ay ka mid aheyd qaladaadkii dhacay!

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News