U bood dhigaalka

Warbixin: 800 Oo Shaqaalaha Caafimaadka Looga Dilay Dalka Suuriya

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saareen koox baarayaal ah oo dhanka caafimaadka ah ayaa waxay sheegeen in ku dhawaad 800  qof oo ka shaqeynaayay dhanka caafimaadka lagu dilay waddanka Syria, dadkaan ayaa siyaabooyin kala duwan loo beegsaday, iyagoo qaarkood ay ku dhinteen qaraxyo lala beegsaday Ispitaalada, halka  kuwa kalana toos loo dilay sidoo kale dowladda Syria ayaa gabood falkaan qeyb ku leh.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in dadka ka shaqeeya dhanka caafimaadka ay qaarkood ay la kulmeen xabsi, dil iyo beegsiyo si ula kac ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in ku dhawaad 15 kun oo dhaqtar oo u dhiganta kala bar dhaqaatiirtii joogi jirtay Syria dagaalka ka hor inay ka carareen waddanka, taasoo keentay in boqolaal kun oo shacaba ah  ay waayaan  inay helaan daryeel caafimaad oo asaasiya.

Warbixintaan ayaa waxaa soo saaray qubaro ka kala tiran Jaamacado ku yaallo waddamada Lubnaan, Uk, Maraykanka iyo Jamciyadda caafimaadka Maraykanka.

Samiir Jabuur oo ah macalin wax ka dhiga Jaamacadda Maraykanka eek u taallo magaalada Baruut ee caasimadda waddanka Lubnaan oo ka qeyb qaatay diyaarinta warbixintaan ayaa waxa uu sheegay in sanadkii 2016 ka uu ahaa sanadkii ugu halista badnaa marka loo fiiriyo shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka eek u nool Syria, isagoo sheegay inay la kulmeen weeraro kala duwan oo ay ka mid yihiin dil, xarig, afduub, iyo jir dil.

Samiir ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka ay si weyn ugu fashilantay ka hortaga ku tumashada sharciga caalamiga ah ee xaquuqul insaanka.

Goobjoog News