U bood dhigaalka

Warbixin: 9/11 Kadib, Waa Maxay Saameynta Mashruuca Argigixiso La Dirirka Ku Yeeshay Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale 16 sano ka hor, dhalinyaro carab ah ayaa weeraray daaro mataano ahaa oo ku yaallay dalka Mareykanka, dhacdadaasi kadib waxaa isbadalay khariidadda siyaasadda caalamka, Mareykanka waxaa uu qaaday tillaabooyin waalli ah!

Dalkeenna Soomaaliya waxaa uu ku jiraa dalalka khasaaraha badani  ka soo gaaray, welina ka soo gaarayo go’aanka Mareykanka iyo waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada, maanta waxaan qormadan xoogga ku saari-doonna sida dhacdadaasi New York ka dhacday ay  u saameysay Soomaaliya!!

Maalintaas Maxaa dhacay?

11/9/2001-dii: Maalintaasi, 19 dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline,  dulimaad-keeda 11-aad ayaa ku qarxay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkeeda 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaasi.

Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington.

Weerarkaasi, waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay.

Dhacdooyin Muhiim ah Oo Dhacay ka hor 11/09/2001:

Inta aanay la gaarin 11/9/2011, waxaa jiray  arrimo taariikhi ah oo xiriir toos ah la leh arrinkan.

Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii kadib markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa ahaa labo awoodood oo dunida isku qabsaday, Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989 iyo dagaalkii Soomaaliya iyo Xabashida ee 77, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa.

1996-dii: Waa markii Binu Ladin uu tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikir-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii.

26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen magaalada Kabul, kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika.

7 August 1998: Weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam

Hadaba, 11/9/2001-dii sida aan kor u sheegnay 19 dhalinyaro carab ah ayaa weeraray (twin towers) iyaga oo halkaasi ku dilay 3,000 oo Mareykanka ah.

Isbadalka Dunida 11/9 Kadib :

20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaasi ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”!!

7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray dalka Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September.

Dhankan iyo Soomaaliya:

18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group,  raggan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan waxa loogu yeero aragigixisada.

Arrintaasi kadib,  Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in uu Mareykanka adeegsado hoggaamiye kooxeedka Soomaaliya, si meesha looga saaro Islaamiyiinta.

February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen.

February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Xarakada Al-shabaab liiska kooxaha argagixsada ah, Xarakada oo taasi ka jawaabeysa waxaa ay 10-kii Febraayo 2012 ku biirtay Al-Qaa’ida.

Markii  liiska Argigixisada lagu daray Al-shabaab kadib, Mareykanka waxaa ay duqeymo ku dileen hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan xarakada Al-shabaab, waxaa ugu muhiimsanaa labo ka mid ah 3da hoggaamiye oo kooxda soo maray tan iyo markii la aasaasay, Mareykanka waxaa ay 1-da May 2008-dii duqeyn ku dileen Dhuusa-Mareeb Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow, duqeyn taasi la mid ah waxaa ay ku dileen 1 September 2014-kii, Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) oo Sheekh Ceyrow xukunka xarakada uga dambeeyay.

Dhinaca kale, Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay wadey dadaalo ay isku soo dhawaanayaan dalka Mareykanka, waxaana ka xusi karnaa:

1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada.

28 March 2014: Obama Waxaa uu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo.

Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada.

Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, bishan gudaheeda, September 7, 2017dii  ayaa ugu dambeeyay weerar ay qaadaan iyaga oo gobolka Bay ku dilay 3 ka tirsan Al-shabaab.

Inkasta oo uu Madaxweynihii hore Mareykanka Obama  uu yareeyay goobaha la duuqeeyo, isla markaana uu adkeeyay isla xisaabtanka, waxaa arrimhaasi meesha ka saaray Trump isaga oo ciidamada Mareykanka AFRICOM u ogolaaday March sanadkan in ay Soomaaliya u duqeeyaan sidii ay rabaan.

Soomaalida waxaa ay rajo fiican ka qabeen in la soo afjari doono dagaallada ku saleysan diinta, isla markaana uu dhammaan-doono mashruuca iyo magaca argigixisada, dadkana heshiin-doonaan.

Ku darista Xukuumadda Soomaaliya ay ku dartay ONLF ku dartay liiska kooxahaasi, waxaa ay sii kordhisay su’aalaha laga qabay goorta uu dhammaanayo magaca argigixiso, lamana oga sida ay wax noqon-doonaan maalmaha, bilaha iyo sanadaha soo socda.

W/Q: Yussuf Osman Ali

Email: [email protected]

Goobjoog News