U bood dhigaalka

Warbixin: Ansixintii Golaha Shacabka Ee Sharciga Batroolka Kadib, Maxaa Xiga?

Sheeko:Dalka

Dawladda Federaalka waxay isniintii ka gudubtay caqabadii ugu weynayd ee dhanka horumarinta shidaalka lagu tuhmo Soomaaliya. Lagu tuhmo ayaan lee yahay, ma jiraan ceelal la qoday oo shidaal ka soo burqaday ama shidaal ganacsi gali kara lagu arkay bad iyo berri ba, laga soo billaabo dhammaad kii 50 meeyadii illaa maanta.

Ilaa hadda shidaal ka la sheego, waa qiyaas ku salaysan inuu jiro sistam shidaaleed: lakabyo dhagaxeed dherer iyo mug badan leh oo ay ku jiraan dhagaxda khayraadka dhala – shale ama sandstone, iyo dhagaxda kaydinaya shidaalka sida sandstones(quartz sand or arkosic sandstone), iyo carbonates sida limestone ama dolomite). Waxaa kaloo muhiim ah inuu jiro qaab-dhismeed dhulka dhex diisa ka jiro, oo suurta gelinaya inuu kaydiyo shidaalka: anticlines, faults, iyo siriqyo-lakabeed (traps). Dhinaca kale, dushaa waa inuu daboolaa kaydka shidaaleed dhagaxaan sida shale ama cusubo dusha ka dahaarta. Intaas dhammaan tood waa lagu arkay Soomaaliya. Dhammaan intaasi Soomaaliya way ka jiraan; waana laga helaa.

Maxaa xiga oo la sammayn karaa si shidaalka loo soo saaro? Waxaa xiga qodaal, laakiin shirkadaha shirkadaha qodo shurudahaan ayay u baahan yihiin in Soomaaliya ay ka jirto:

  1. Xasilooni siyaasadeed iyo inay jirto xukuumado la saadaalin karo (predictable governments).
  2. Inuu ka jiro Soomaaliya jawi siyaasadeed, dhaqan-dhaqaaleed oo u sahlaya shirkadaha inay maal gashtaan (dhaqaale furan – liberalised economy, iyo waddan aan lahayn musuqmaasuq, ama musuqa uu yar yahay.
  3. Inay jiraan siyaasado, sharciyo iyo xeerar-hoosaadyo ku aaddan sahlidda hawlaha shidaalka iyo inuu shidaalka waddanka inuu lee yahay qaab-dhismeed ka la yaqaano, oo kala soocaya hawlaha: Wasaarad ku kooban siyaasad sammayn, dul-ka-hagid (oversight), Hayadda Nidaaminta hawlaha shidaalka, iyo Shirkadda Qaranka ee Shidaalka. Mid kasta waa inay dheeshaa kaalinta saxa ah, shaqadana laysku qabsanin. Hawsha sida ay u socoto waxaa daba-gal shirkadaha ku sammaynaya Hay’adda Nidaaminta Shidaalka.
  4. Shirkadaha waxay rabaan inay galaan heshiis iyaga faa’iido badan ugu jirto. Soomaaliya dhawaan waxay sammaysay Heshiis Model ah oo loo yaqaan Heshiiska Soo-saar Wadaagga oo shirkad kasta dan ka leh Soomaaliya inay ka soo saarto shidaal lagula heshiinayo. Heshiis kan wuxuu suurta gelinayaa inuu soo jiito shirkadaha (attractive and competitive); isla markaana wadanka maslaxa diisa ay ku jirto.

Dawladda Soomaaliya maxay ka rabtaa shirkadaha inay ku sifoobaan?

  1. Shirkadda lala saxiixdo Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement) inay muddo lix bilood ah ku shaqo gali karto. Shirkadda waa inay wadataa shirkadaha kale ee shaqada la geli kara; haddii kale way iska fadhinayaan sannado badan iyagoo raadinaya shirkad lamaane ah oo la wadaagta shaqada.
  2. Shirkadda heshiiska la galaysa waa inay tahay shirkad taariikh wanaagsan leh, oo lagu yaqaano hawlaha shidaalka inay waddamo kale ka fulisay si dhib la’aan ah. Waa inay leedahay khibrad xoog leh, dhinaca ka sahqaynta badda.
  3. Shirkadda waa inay awood dhaqaale (financial capability) ay hawlaha shidaalka ku fuliso lee dahay iyadoo dhaqaale yari hawsha u istaagaynin. Soo-saarka shidaalka badda moolka ah aad buu qaali u yahay. Shirkadda waa inay awooddaa inay bixin karto lacag rahan ah (Bank Guarantee) ka dhimanaysa haddii shaqadii ceel-qodidda ama hawsha 3-D seismikada aan la qabanin.
  4. Shirkadda waa inay leedahay awood farsamo (technical capacity) oo badda mool ka ah ay kaga soo saari karto shidaal. Shirkado tiro yar ayaa awooda hawsha inay ka qodaan shidaal bad aad mool u ah.

Shirkadahee diayaar ah oo Soomaaliya sahan, shidaal-qodid iyo soo-saar ka sammayn kara iminka?

  1. Shell-ExxonMobil: Waa shirkad weyn (Consortium) ah oo heshiis la gashay the Democratic Republic of Soomaaliya sannad kii 1988; waxayna kula heshiisay Soomaaliya inay ka baarayso, soo-saarayso shidaal badda aan moolka ahayn ee berriga u dhow ee u dhexaysa Bandar Bayla iyo Marka. Heshiis kaasi waxuu ahaa nooca concession ka, wuxuuna u baahan yahay in loo beddelo nooca Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA). Hadda waxay bixisaa Shell-ExxonMobil tabarrada si kor loogu qaado awoodaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo lacaga ijaarka ku aaddan halkii km2. Isku darka Shell-ExxonMobil, shirkaddan waxay tahay shirkadda dunida ugu weyn ee shidaal soo saarta. Waana shirkado laga lee yahay USA (ExxonMobil) iyo Netherlands (Shell).
  2. Shirkadda Soma Oil and Gas (u xuubsiibatay magaca Coastline Energy Corporation) waa shirkad hormuud ka noqotay hawlaha shidaalka Soomaaliya goor Soomaaliya shidaal keed aan la hadal haynin. Waxay ka hawl-gashay baaristii ugu horraysay lagu sahminayo badda Soomaaliya. Xogaha shidaaleed ee la ogaaday hadda waxay qeyb-weyn ka dheeshay Soma Oil and Gas. Shirkaddii hore waxaa gatay dad kale oo magaca ka beddelay, laakiin waxaan la ogeynin awoodeeda dhaqaale, farsamo iyo khibradeeda (markaan Google adeegsaday). Soma Oil and Gas waxay la gashay Soomaaliya heshiis ah inay sammayso baaris; laguna siiyo maalgelinta ay ka sammayso dhinaca baarista balookyo shidaaleed oo 12 ah. Heshiis kaasi waxaa galay Mudane Cabdirisaaq oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Dabiiciga ah, waagii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka talinayay Soomaaliya. Hadda waxaa la joogaa goortii Coastline Energy la siin lahaa xirmooyin (Block yadii and PSA yadii). Tirada block yada la siin doono, waxay u taallaa dawladda Raiisul Wasaare ka yahay Xasan Cali Khayre; laakiin waxaa jira heshiis u baahan in la xurmeeyo. Shirkaddaan waa Reer Galbeed (Share ugu badan qofka leh ayay ku xiran tahay).
  3. Liberty Petroleum (ama Petro Quest) waa shirkad heshiis la gashay Galmudug tii hore, xoogaa yar oo maaliyad ah ayaa kaga baxday shirkadda Soomaaliya. Dhowr jeer ayay wada-hadallo la gashay Wasaaradda Batroolka oo la diyaarisay Heshiis PSA ah oo aan la saxiixin oo qabyo looga tahay. Shirkadda Liberty Petroleum waxay xiisaynaysaa badda Galmudug iyo tan Baraawe, ee Koofur Galbeed. Waa shirkad Mareekan ah.
  4. Waxaa kaloo jira shirkado tiro badan oo xiiso iyo xawaare xoog leh ku socda oo raba inay ka qeyb galaan tartarnka qandaraas yada lagu furay London bishii February. Shirkada haasi. Shirkada haasi waxay isugu jiraan Reer Galbeed, India iyo China.

Haddii lagu guulaysto sannad kan heshiisyo PSA ah in shirkado lala galo, waxaa hubaal noqon doonto in Soomaaliya ay leedahay shidaalka lagu tuhmayo iyo in kale. Waxayna kala caddaan doontaa ka gadaal marka la qodo ceelal dhowr ah. Waxaa kaloo ka soo gali doona lacago intay baarista iyo ceel-qodidda socoto iyo dhaqdhaqaaq shirkado Soomaaliyeed oo la jaan-qaadi doona Shirkadaha Shidaalka baaray. Dhinaca kale dhalin yaro ayaa shaqo ka heli doonta.

Gunaanad hawshii ansaxinta Sharciga Shidaalka ee shalay wuxuu gundhig u noqonayaa hawlo kale oo soo raaci doona oo lagu sahminayo, lagu qodayo shidaalka iyo lagu hormarin doono khayraadka Soomaaliya. Waa iftiin yar oo rajo ah oo ka soo dhex-muuqday muddo badan oo taneel mugdi ah la dhex marayay.

Goobjoog News