U bood dhigaalka

Warbixin: Axmed Madoobe oo Maalin Cad La Doortay

Sheeko:Dalka

Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa aqlabiyad ku guuleystay Axmed Madoobe, isaga oo madaxweyne sii ahaan-doona ilaa 2023-ka.

Waxaa Ku Tartamay:

1: Axmed Maxamed Islaam.

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)

3: Musharax Maxamed Cumar Geedi

4:  Canab Maxamed Daahir

Axmed Madoobe oo guuleystay sida aan sheegnay waxaa uu codadka xildhibaannada ka helay 56, halka Canab Maxamed Daahir oo ku xigtay ay heshay 17 cod, murashaxa kale ee Maxamuud Muxumed Cumar ayaa isna helay hal cod. Xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland guud ahaan waa 73.

Mudane Axmed Madoobe waxaa uu Jubbaland hogaaminayey tan iyo 2013-kii, waa markii 2-aad ee ka noqdo madaxweynaha dowlad goboleedkan.

Doorashada Madoobe ayaa dhacday xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo xukuumadda federaalka ah, taasi oo keentay inuu xirto hawada, dhulka iyo badda Kismaayo, kana mamnuuco madaxda dowladda iney tagaan magaalada.

Xukuumadda federaalka ah, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay marar badan ku celisay in aaney aqoonsan-doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland.

Beesha caalamka oo xalay qoraal soo saartay waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in doorashada Kismaayo laga fogaado qalalaaso.

Dhinaca kale, guri ku yaalo Kismaayo ayey xildhibaannada koox la magacbaxday isbadal-doonka ku doorteen Cabdirashid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, arrintaas oo dad badan u fasireen qalalaaso siyaasadeed iyo fowdo lagu furayo maamulka cusub ee Jubbaland.

Goobjoog News