U bood dhigaalka

Warbixin: Bixitaanka Mareykanka, Maxay Uga Dhigan Tahay Danab iyo Hawl-galladii Socday?!

Sheeko:Amniga

Ciidama dhulka Mareykanka ee xaruntoodu aheyd deegaanka Balli-doogle, Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa iney guuraan bishan kadib amar uu bixiyey madaxweynaha Mareykanka Trump.

Haddaba, bixitaankaasi, maxay uga dhigan tahay ciidamada ay gacanta ku hayeen ee Danab iyo guud ahaan hawl-galladii socday, ayey Goobjoog News wax ka weydiisay Xuseen Macalin, madaxa Hiraal iyo Cabdislaam Guuleed oo horay usoo noqday ku xigeenkii hey’adda NISA.

Xuseen Macalin Maxamud, oo ahaa la-taliyihii amniga ee madaxweyneyaasha Xassan Sheekh iyo Farmaajo, xilliganna madaxa xarunta Hiraal ayaa waxaa uu qabaa bixitaanka Mareykanka ay niyadjab ku tahay ciidanka Danab.

Maxamuud oo arrinkan ka hadalaya waxaa uu yiri “ Waxaa ay ka dhigantahay niyadjabka ciidanka, oo weliba iney meesha ka baxdo gacan ku heyntii iyo cid kale oo si degdeg u badasho oo aan laheyn waxay keeni kartaa hoos u dhac tayadooda ah ama ineyba la mid noqdaan ciidamada kale oo caadiga ah, taasi oo dedejin karta iney Al-shabaab ka faa’idestaan.

Mr. Xuseen Macalin waxaa uu Mareykanka usoo jeediyey iney si dhaqso ah uga laabtaan go’aankaas “ Waxaan rajeynayaa in Mareykanka ay si dhaqso ah go’aankaas uga laabtaan, si hawlgalladii socday aaney u istaagin, loona niyadjabin.

Dhanka kale, Cabdisalaam Yuusuf Guleed oo ahaa taliye ku xigeenka hey’add NISA oo isla arrinkan bixitaanka Mareykanka iyo saameyntiisa aan wax ka weydiinnay ayaa waxaa uu yiri “ Cabsi weyn ayaa jirta oo ku saabsan sida wax noqonayaan, bixista kadib. Waqti cayiman ayay shaqadu sida ay ku socota hada siiwedi karaan, laakiin waa hubaal in ay u baahnaan doonaan cid booskii Mareykanka u buuxisa.

Ku-xigeenkii hore ee hey’adda Cabdisalaam Guuleed ayaa soojeediyey in ciidankaas xoogga la saaro “Dowlada Soomaaliya ayaa laga doonayaa in ay awoodeeda iskugu geeyo sidii loo joogteyn lahaa jiritaanka iyo tayada ciidamadaas. Waxana ugu horeeya in aan waxba laga bedelin ama fara gelin lagu sameyn qaabka ay hada u sameysan yihiin. Welibana aad looga fogeeyo taliyaasha aan ku taba barka iyo system ka ahay in soo fara geliyaan maamulka Danab. Waa muhiim.

Danab, waa ciidamo Kommandoos ah oo si gaar ah u tababaran, waxaa gacanta ku hayey Mareykanka kadib heshiis 2014-kii ay la gashay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tiro ahaan wey ka badan yihiin 3,000 waxaana xarun u ahaa Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellada hoose. Ciidanka waxay hawl-gallo joogta ah ku qaadi jireen Al-shabaab, dowladda federaalka ahna weli kama hadlin qorshaha la xiriira halka ay ku dambeyn doonaan ciidankan iyo hawlihii ay wadeen.

W/Q: Cabdicasis Gurbiye, 

Goobjoog News