U bood dhigaalka

WARBIXIN: Caqabado Horyaalla Guddoomiyaha Cusub Ee Bankiga Dhexe

Sheeko:Dalka

Falanqeeyayaal dhanka dhaqaalaha ah ayaa sheegay iney jiraan caqabado badan oo xilligan horyaalla guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe.

Waxa ay sheegeen in waxyaabaha ugu horreeya ee loo baahan yahay inuu wax ka qabto ay tahay dhanka lacaga iyo sida loo go’aamin karo sicir bararka.

Maadaama dalka ay ka jirto lacag la’aan dhanka kaashka ah, meello ka mid ahna aanba la qaadan kaashka, sidoo kalene kor u kacsan yahay sarifka ayeey sheegeen in guddoomiyaha shaqooyinka culus ee u yaalla kuwaasi ka mid tahay.

Sidoo kale, falanqeeyayaashan ayaa sheegaya in guddoomiyaha laga doonayo ka shaqeynta daabicista lacago shilin Soomaali ah iyo sidoo dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News