U bood dhigaalka

Warbixin: Casharrada Laga Bartay Rayidkii Lagu Dilay Bariire

Sheeko:Dalka

24-kii ee la soo dhaafay waxaa Muqdisho la hadal hayey 10-kii qof ee rayidka ahaa ee Ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa Mareykanka ah ay ku dileen beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose, howlgalkaasi marka uu dhacay waxaa ay dowladda federaalka ah soo saartay warar is khilaafsan, waxaana kala hadlay mas’uuliyadda federaalka ah oo muujiyay in aaney iska warqabin, xogtana aaney hal meel ka helin.

Odoyaal u hadlay qoyska howlgalkan lagu dilay waxaa ay warbaahinta u sheegeen in dadkaasi si ku talagal ah loo dilay, isla markaana aan la aasi doonin inta xaqooda meel laga saarayo, iyada oo dadkii meydka ahaa ay xalay ku baryeen Isbitaal Madiina.

Dowladda federaalka ah ayaa dhacdada uga hadashay qaab dad badan ku dhaliileen, maamulka Shabeellada hoose, wasiirka warfaafinta, wasiirka gashaandhigga, wasiirka arrimaha dibadda iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, inta waxaa ay ku hadleen warar is khilaafsan oo is burinaya oo ku saabsan wixii ka dhacay Bariire, waxaa ay dad badan isweydiiyeen cidda ammaanka u hadli karta?

Wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yarisow ayaa ugu horreyn qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda howlgal ay ka fulisay Bariire August 25, 2017-kii ay ku dileen 8 qof oo Al-shabaab, isaga oo xaqiijiyay in aaney wax rayid ah halkaasi ku dhiman.

Isla wasiirka warfaafinta waxaa uu saacado kadib soo saaray warqad kale uu leeyahay waxaa dhacay labo howlgal oo kala duwan, wasiirka waxaa uu sheegay in qoraal uu horay u soo saaray ay qaladaad ku jireen isla markaana loo sheegay in ay jiraan dad rayid ah oo dhintay, baaritaanna ay wadaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed  ayaa ka hadlay howlgalka ka dhacay iyo sida uu u arko, “Ciidamada waxaa dhacday maanta iyaga oo howlgal ku jira in ay la kulmeen rag hubeysan, laga codsaday in ay hubka dhigaan, diiday in ay hubkii dhigaan, xabadna bilaabay, marka qaabkaasna ay xabadihii ku bilowdeen, raggiina meesha ay ku dhinteen, hubkiina laga soo qaaday, dad hub heysto ee deegaan Shabaab joogo waxaa la is weydiin karaa yey ahaayeen, howshaasi waa la soo xaqiijin doonaa, laakin waa rag dagaalay oo hub heystay”.

Taliya ciidamada Xoogga dalka Jen. Axmed Jimcaale Cirfiid oo VOA la hadlay ayaa waxaa uu qiray in dadka dhintay ay rayid ahaayeen isaga oo wararka hordhaca ahaa ee sheegay in dadkaasi Shabaab ahaayeen ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog isaga keliyana uu xaq u leeyahay in arrimhaasi ka hadlo.

“Meesha waxaa ku dhintay dad shicib ah, oo 10 qof ah oo ay ku jiraan caruur yaryar ah iyo waayeel..dadkaasi Shabaab ma aheen, waa dad shacab ah oo beereley ah, hase yeeshee si qalad ayuu dhibkaasi u dhacay oo ma aheen si ula kac ah, dad sheegay in Shabaab la weerary, Shabaab la dilay, taasi waxba kama jiraan”.

Xuseen Sheekh Maxamud oo ah Senator aqalka sare waxaa uu qoray: “Waan u tacsiyeynaynaa eheladii ay dadkii maanta la xasuuqay ka geeriyoodeen waxaana ka dalbanaynaa Wasiirka warfaafinta Yariisow inuu cudur daar ka bixiyo wararka aan laga fiirsan ee ay wasaaradiisu soo saartey”.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa ka hadlay dadkan la dilay, Tacsi kadib waxaa uu Fiqi weeraray mas’uuliyiinta dowladda .

“Waxaa wax laga xumaado ah in wasiiro xukuumadda ka tirsan ay si aanmas’uuliyadi ku jirin uga hadleen dhacdadaan ayagoo isku dayaya in ay marin habaabiyaan umadda, kuwaasoo ku hor ceeboobay shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay dadkaas rayidka ah ku sheegeen Alshabaab la laayey, ayagoo sidii dad aan miyir qabin waraaqo is-burinaya iyo hadalo kala jeeda soo saaray muddo kooban gudaheed, taasoo shakki galinaysa mas’uuliyadda ay wasiiraddaasi sheeganayaan iyo kalsoonida lagu qabi karo hadaladooda wixii hadda ka danbeeya, waqti ay dawladda maraykanku jiritaanka arintaas war ka soo saartay, joornaalada ugu waaweyn maraykankana ay qirteen in dad rayid ah la laayey” ayuu yiri Fiqi

Dhankooda Mareykanka waxaa ay soo saareen war saxaafadeed ay ku sheegayaan in ay ka war heleen dhimashada dad rayid oo weerar lagu dilay, isla markaana ay si dhab ah u baarayaan, Howlgalka waxaa fuliyay sida ay qoraalka ku sheegeen ciidamada dowladda federaalka ah oo kaashanaya Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa uu boggiisa ku qoray tacsi uu u diray dadka rayidka ah ee Bariire lagu dilay, waxaana xusid mudan in dhammaan postiyada mas’uuliyiinta dowladda uu xitaa ku jiro tan madaxweynaha laga saaray Facebooga.

Dunida kama jirto in arrimaha ammaanka ay ka wada hadlaan intaasi oo qof, waa mid ku tusineysa in dad ka mid ah kooxda hadashay ay qabteen shaqo aan shaqadooda aheyn, sidaasi waxaa sheegay taliyaha ciidamada xoogga dalka Cirfiid.

Dhacdadan casharka laga bartay waa in dowladda federaalka ah ay arrimaha ammaanka ka yeelato go’aan gaar ah, isla markaana la sameeyo hal goob wararka ammaanka loogu soo hagaago si dalalka caalamka ka dhacdo, si looga fogaado dhibaatada ay arrintan soo jiiday.

Shacabka ayaa arrintan qeyb ka qaatay, baraha bulshada waxaa qaatay sawirrada iyo warar iska daba dhacayey ee dilka rayidkan loo geystay, waxaa kale oo arrintaasi caddeyn u tahay in laga soo gudbay xilligii warka laga sugi jiray hal il ama hal hey’ad.

Wararka la xiriira Dhacdada Bariire:

Dhageyso: Ehlada Dadkii Lagu Diley Bariire Oo Sheegay In Meydadka La Aasi Doonin

Goobjoog News