U bood dhigaalka

WARBIXIN:- Dadkii Ugu Badnaa Ee Kasoo Cararay Dagaaladda Yemen Oo Soo Gaaray Boosaaso

Sheeko:Qormooyin

Waxaa Abbaare 11kii barqanimo ee Shalay kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso dooni siday qaxooti Soomaali ah oo gaaraya illaa 1,153 (kun boqol konton iyo sadex) ruux kuwaas oo kasoo cararay dagaalada ka soconaya dalka yemen.

Dadkani waxaa kusoo dhaweeyay dekadda magaalada Boosaaso qaar ka mid ah hay’ahada samafalka ee ka shaqeeya deegaanada Puntland, Guddi puntland ay u xilsaartay caawinta dadkaas iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Boosaaso.

Waxaa dadkan loo sameeyay soo dhawayn ballaaran iyadoona ay ku jireen kuwo qaba dhaawacyo kala duwan waxaana isla goobtii loogu sameeyay gurmad caafimaad waxaana goobtaas  lagu arkayay gaadiidka gurmadka degdega oo dadkaas u qaadaya xarumaha caafimaadka ee magaalada boosaaso.

Dadkani ayaa waxaa ay helayeen cabitaano iyo buskut kala oo ay siinayeen hay’adaha qaabilsan dhinaca qaxootiga waxaana qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay Goobjoog FM ay ka warbixiyeen xaaladooda nololeed.

Gabar noogu sheegtay magaceeda Sahro Cismaan Suubi oo sheegtay inay ka soo qaxday  caasimadda Yemen ee Sanca ayaa tiri “waxaan soo soconay Laba maalmood waxaan kasoo raacnay Mukalah qoyskeygu Sideed Qof waaye, dalka Yemen waxaan ku noolayn 26 sano, waxaana nasoo bara kiciyay diyaaradaha sida xad dhaafka ah u garaacayay dalka Yemen”

Waxay sidoo kale Sahro ka warbixisay qaabkii loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso waxayna tiri “Boosaaso markaan nimid maasha Allah waxaan dareemaynaa si farxad leh oo walaaleheen noo taakuleynayaan oo u soo dhawaynayaan Qaxootiga waan jeclahay inaan sii joogo dalkayga hooyo”

Dhanka kale mid ka mid ah dadkii doonida ku yimid ayaa goobjoog u sheegay in wax yeelo ka soo gaartay dagaalada Yeman ka socday taasina ay ku xambaartay inuu soo cararo “waxaan kasoo barakacnay  dagaalka iyo duqaynta cirka iyo dhulka ah iyo hantideena, Laba wiil ayaa iiga dhimatay, waxaan Yemen joogay laba sano waxaan tirtiri jiray baabuurta, qoyskayga waa kala tagnay” ayuu  yiri Muxudiin jimcaale Nuur.

Sidoo kale  Shankaroon Cabdullahi ayaa tiri “Magaalada Cadan ayaan kasoo barakacay maalin Sabti ah ayaan soo baxay oo doontaan soo raacay waxaana watay laba caruur ah, masha allah soo dhawayn fiican ayaan la kulanay Yemen waxaan joognay 10 sano,  waxaan codsanaynaa in baabuur nala saaro Muqdisho nala geeyo”

Mid ka mid ah dadka soo laabtay ka hadlay dhibaatada ka jirtay dalka yaman “Walahi dhibaato ad iyo aad u fara badan ayaa ka jirto wadan Yemen Soomaali aad iyo aad u dhibaataysan ayaa ku nool alamdulilaah anaka waa imaanay ilaahey waa nasoo mootiyay waxaan ka baryaynaa ilaahey na keenay inuu soo mootiyo wadanka yemen dadkii soomaalida qaxootiga ku noolaa, waxaan ku noolaa muddo 2000- ilaa hadda noloshayda aad ayay u fiicnayd laakiin hadda magaalada waxay noqotay sidii soomaaliya mar hadaan jirtay wadankii haddu soomaaliya camal uu noqday waxan is dhahnay wadankiina ku dhinta” ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdirisaaq Muxidiin oo Dad soo laabtay ku mid ahaa

Wuxuu sidoo kale Cabdirisaaq yiri “waxaan ka codsanayaa Umadda Soomaaliyeed inay gargaaraan walaalahooda ku dhibaataysan Dalka Yemen gaar ahaan magaalada Cadan”

Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan iyo wasiirku xigeenka wasaaradda arimaha Gudaha ee Puntland Cabdullaahi qoob deero oo ka mid ahaa masuuliyiintii oo dhaweeyay dadkani qaxootiga ah ayaa sheegay qaabkii usoo dhaweeyay iyo guud ahaan tirade dadka soo laabtay ee soo gaaray Puntland

Wuxuu sheegay dadkaas inay ku dhex jireen dad jiran kuwaas oo baabuur lagu qaaday isbitaalna la geeyay waxaa sidoo kale dadkaas ku jiray dad ay haysatay nafaqo darro sidoo kale dad cuuryaamiin ah ayaa ka mid ahaa sidu wasiirku sheegay.

“Dadkaan intooda badan waa dad soomaali ah oo ka kooban Soomaaliya oo dhan ka kooban, ma ahan kaliya reer Puntland  dad Soomaali weeye oo dhinac kasta u socda ayay ka jiraan, waa dad duruufuhu kusoo qasbeen inay dalkooda mar kale usoo laabtaan, halkana waxaa yaal culeys wayn aad u fara badan mana ahan mid ay qaadi karaan hay’adaha jooga iyo dowladda mana ahan mid Puntland ay qaadi karto, culeys aad iyo aad wayb baa ka muuqda, hadda ka hor lun iyo siyaado baa joogay haddana waa ku iyo dheeri” ayuu yiri Mudane Xasan Cabdalla Xasan

Wuxuu sidoo kale ka codsaday dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha dadka caawiya in dadkaas loo gurmado qorshe  cusubna loo sameeyo dadka soo laabanaya ee hadda yimid iyo kuwa soo socdaba.

Waxa sidoo kale meesha ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntland  Cabdullaahi qoob deero Wuxuuna sheegay in dadka maanta magaalada Boosaaso soo garay ay kujiraan dad ajaanib ah oo ay ku jiraan Ethiopian, Eritrean iyo Yemen. Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Gardafu ay Shalay soo raageen 35 qof  oo rag u badan oo watay Doon kuwa kalana ay lasoo hadleen guddoomiha Qandala xaaladoodana loo diyaar garoobay.

“Awal Puntland waxaa joogay 1270 qof baa soo gaaray  dadkaasi dowladda puntland iyo shacabkeeda iyo hay’adaha halkan ku sugan way ka tan badan yihiin inay baahidaas nololeed ay u baahan yihiin inay xaliyaan, mid cunto mid hoy iyo mid biyo iyo nooc kasta oo nolosha biniaadamka aasaas u ah ma qaadi karto Puntland”  ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha Mudane Qoob Deero.

Wuxuu sidoo kale ka digay hay’adaha sheegaya inaan dad ka keeni Karin magaalada Muqdisho oo ay sabab uga dhigeen in qaxooti fara badan uu horey u joogeen, dadkana aan laga celin meeshii ay ku dhasheen haddii ay rabaan inay tagaan.

Waa tiradii ugu badnayd ee mar qura soo gaarta magaalada Boosaaso ayadoo isugayn dadka kasoo laabtay Dalka Yemen ay gaarayaan illaa 2,423,  dadka soo laabtay ayaa waxaa la dajiyay xarunta wasaaradda beeraha ee magaalada boosaaso waxayna gacan ka sugayaan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News