U bood dhigaalka

Warbixin: Dhibaatooyinka Deegaan Doorasho Dowlad Goboleed Ama State Constituency!!

Sheeko:Dalka

Dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya sida dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranku(GMDQ) waxaa ka go’an in  December 2020-ka la qabto doorashooyinka labada aqal ee Soomaaliya, Sida uu qabo dastuurka KMG ah qodobka 46(2) ee nidaamka matalaadda shacabka oo fursad u siinaya in uu uga qeybgalo, iyaga oo la iska ogolaaday  in doorashada xildhibaannada baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ay ku yimaadaan nidaamka doorasho ee “proportional representation” ee liiska xiran!

Haddaba, waxaa uu hadda muran ka taaganyahay sida ay noqoneyso nidaamka doorasho, waxaana  jira labo soo-jeedin:

1. Dowladda federaalka ah iyo guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa ay ka simmanyihiin, oo ay soo-jeediyeen in dalka laga sameeyo “hal deegaan doorasho”, si ay uga qeyb-galaan dadka inta codeyn karta, isla markaana uu ku soo baxo xisbiga ugu codadka bata uu noqonayo midka guuleysta. Nidaamkan waxaa la  isku darayaa tirada guud ee xisbiga ugu codeysan dhammaan gobollada dalka, waxaana la shaacinayaa natiijada iyo sida axsaabta u kala sareeyaan!

2. Laakin dowlad goboleedyada federaalka ah waxaa ay qabaan in doorashada lagu saleeyo deegaan doorasho dowlad goboleed(state constituency”, oo dadka ay ku codeeyaan gudaha dowlad goboleedyada.

Qoraal ka soo baxay shirkoodii Kismaayo September 8, 2018 waxaa ay ku sheegeen “Iyada oo la tix-gelinayo matalaadda shacabka Soomaaliyeed, goluhu wuxuu isku raacay in doorashada 2020-ka ku saleysnaato deegaan doorasho dowlad goboleed(state constituency).  Taas oo ah habka ugu dhow ee lagu heli karo matalaad(reprsentataion) iyo nidaam xisbiyo badan ee is waafaqsan.  Goluhu waxaa uu beesha caalamka uga digayaa inaysan wax dhaqale ah ku bixin qorshe khilaafsan doorasho deegaan heer dowlad goboleed(state constituency).

Sida aan horay u soo sheegnay dowladda federaalka ah iyo guddiga madaxabannaan ee doorashada qaranka waxaa ay ka soo horjeedaan in doorashada lagu saleeyo doorasho deegaan heer dowlad goboleed(state constituency iyaga oo arka in taasi lagu dulminayo dad iyo deegaanno badan.

Maxaa Ka Qaldan “Doorasho Deegaan Heer Dowlad Goboleed ama State Constituency”?!

Haddii madaxda qaranka isku raacdo in dalka ka dhacdo deegaan doorasho oo ku saleysan (state constituency) ama maamul goboleedyada, dadka codeynta  loo ogol yahay waa inta ku nool dowlad goboleedyada oo keliya, taasina waxaa ka dhalan karta:

1. Banaadir: Gobolka Banaadir oo ay ku noolyihiin 1,650,227 sida lagu qoray tirakoob ay dowladda dhexe loo saartay, dadka ku nool Banaadir ma heli-doonaan wax metelaad ah, waayo weli go’aan lagama gaarin maqaamka Muqdisho, sidaasi darteed (state constituency) ama doorasho deegaan heer dowlad goboleed waa mid ay codeyn-doonaan oo keliyay dadka ku nool: Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

2. Xildhibaan Beeleed: Haddii la qaato deegaan doorasho oo ku saleysan (state constituency) ama maamul goboleedyada, Xildhibaanka waxaa u codeyn-doona oo keliya beeshiisa halka dalka oo dhan haddii laga soo qaado “hal doorasho deegaan” ay xildhibaanka soo dooran karaan dad kala jooga dhammaan gobollada dalka, wuxuuna noqonayaa mid si dhab ah u matala dhammaan umadda Soomaaliyeed.

3. Murashaxiinta: Nidaamka deegaan doorasho ku saleysay dowlad goboleedyada, xisbi kasta waxaa uu sharaxayaa dadka u dhashay maamul goboleedkaas, taasina oo aan waxba uga duwaneyn doorashadii baarlamaanka 10aad ee 2016/2017.

4. Somaliland: Haddii la qaato Nidaamka deegaan doorasho ku saleysay dowlad goboleedyada waxaa ay su’aal ka iman-doontaa matalaadda Somaliland, oo macquul ma aha in Somaliland dadka ka soo jeeda ay xildhibaanno ku doortaan meel ka baxsan gobolkaas, waana adkaan-doontaa diiwaan-gelinta.

5. Barakacayaasha: Haddii la qaato Nidaamka deegaan doorasho ku saleysay dowlad goboleedyada waxaa ay dhibaato ku dhici-doontaa barakacayaasha ku sugan dowlad goboleedkaas, oo qofka waa inuu iska diiwaan-geliyo, codkiisana ka dhiibto gobolka uu u dhashay.

6. Sool iyo sanaag: Dhibaato la mid ah Somaliland, waxaa ay ka jiri-doontaa Sool iyo Sanaag, deegaannadan waa kuwoo dulman, waxaa isku heysta Somaliland iyo Puntland, in badan oo ka mid ah waxaa ay qabaan inay iskood u go’aan, haddii ay codeyn tagto, waxaa adag in laga codeeyo.

In laga hadlo habka ugu haboon ee xildhibaannada lagu dooranayo 2020-ka iyo kala doorashada nidaamka “hal doorasho deegaan iyo state constituency waxaa hareeyey khilaafka hadda ka taagan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, laakin inta aan la gaarin qaabka ay isku raacayaan, waxaa haboon in shacabka ka sii doodaan nooca danta ugu jirto, ee qaranka u fiican.

Goobjoog News