U bood dhigaalka

Warbixin: Dib U Dhaca Doorashada Guddoonka, Musuqa Iyo Dhibaatooyinka Doorashada Bilow Ilaa Dhammaad

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxaa ay shacabka Soomaaliyeed sugayeen doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka cusub 2016, waxaa muuqata in guddiga doorashada dadban, beelaha, madasha iyo maamul goboleedka intaba ay ku guul-dareysteen qabashada doorashada guddoonka taasi oo mugdi gelisay in dalka uu madaxweyne cusub yeelan doono November 30, 2016-ka.

Xaqiiqooyinka Doorashada:

Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 131 Xildhibaan oo ka tirsan 275-ta uu ka kooban yahay aqalka hoose, halka 43 laga doortay 54-ta uu ka kooban yahay aqalka sare.

Haweenka Xildhibaanno noqday waa 20, oo dhiganta 7.3%  tirada guud ama 15.3% tirada hadda la doortay, Jubbaland waa maamulka ugu dhaw in uu doorashada soo gabagabeeyo 40 Xildhibaan oo ka tirsan 43-da laga sugayo ayaa lagu doortay magaalada Kismaayo.

Dowlad Goboleedyada:

Jubbaland: maamul goboleedkan waxaa uu doortay inta badan Xildhibaannada, waxaana lagu wadaa la soo gabagabeeyo, 40 Xildhibaan ee ay doorteen waxaa ku jira 9 haween ah, doorashada Jubbaland waxaa hareeyay dhibaatooyin badan sida in hal qof uu labada aqal u tartamo, in wasiir ka tirsan federaalka lagu eedeeyo musuq sida ay noo xaqiiyeen guddiga doorashada, murashaxiin waxaa jira Xamar ka kaxeysatay ergada, Hotello dejiyay, lacagna siiyay iyo musuq laga sheegayo ergada iyo murashaxiinta.

Koofur Galbeed:  doorashada aqalka hoose ayaa sidoo kale socota, 37 Xildhibaan ayaa Baydhabo lagu doortay oo ka tirsan 69-ka laga sugayo, 4 ka mid ah waa haween, bilowgii doorashada 4 askari ayaa ku dhimatay labo murashax oo is rasaaseeyay, liiska Odoyaasha dhaqanka ayaa la musuqay sida in liis magacyada ergo kale oo loo dhiibay cidamada Itoobiyaan-ka xarumaha doorashada ilaalada ka ah, murashaxiinta qaar musqulo ayaa lagu xiray, qaar shahaadadii guddiga doorashada loo diiday oo la jirdilay, waxaa kaloo gobolkaas ka dhacay in murashaxiinta kuraasta ugu badan ay isku tanaasuleen oo uusan tartan dhicin.

Hirshabeelle: Doorashada Hirshabeelle waa dowlad goboleedkii ugu dambeeyay ee ay ka  bilaabato doorasahda aqalka hoose, 14 Xildhibaan oo ka mid ah 36-da lagu sugayo ayaa lagu doortay Jowhar, 2 ka mid ah waa haween, cabashada ugu weyn waa haween-ka oo sheegay in odoyaasha beelaha oo dafiray qoondada haweenka xitaa kuraasta ay madasha u ogolaatay, lacago badan oo musuq ah, ergo la qoranayo iyo kuraas la iska xoogayo meesha kama marna, waxaa kaloo jirta in ilaalada mid ka mid wasiirada federaalka ay ilaa 3 qof ku dhaawaceen xarunta doorashada, baartitaankeedana ay socota.

Galmudug:  21 Xildhibaan ayaa ilaa iyo hadda lagu doortay Cadaado oo ka mid ah 36-da laga sugayo, 3 ka mid ah waa haween, Cadaado waxaa ka dhacay qalalaaso siyaasadeed, safaadda Mareykanka warqad ay u direen madaxweynaha maamulkaas waxaa lagu sheegay in Xildhibaannada soo baxay qaarkood ay awood adeegsadeen, waxaa la xiray Oday dhaqameed iyo mid ka mid ah tartamayaasha, qaar hadda ah Xildhibaanno waxaa lagu eedeeyay in ay badaleen liiskii guddiga ee ay odoyaasha ogaayeen, waxaa kale oo la soo wariyay in kuraasta qaar musharaxiinta u tartamayay loo diiday in ay hoolka soo galaan. 

Puntland: Waa maamul-kii ugu horeeyay ee doorashada aqalka hoose ka bilaabay November 5-dii Garoowe, 19 Xildhibaan oo ka mid ah 37-bada laga sugayo ayaa halkaas lagu doortay, 2 keliya ayaa haween ka ah, guddiga doorashada waxaa ay sheegayaan in doorashada ay dib u dhigayaan haddii aan lacag la siin, Xildhibaan ka mid ah kuwa la doortay waxaa uu u dhintay qaab shaki laga muujiyay, beelaha dega Sool iyo Sanaag waxaa ay ka qeylinayaan in maamulka Garoowe uu Xildhibaanno siinayo dadka taageersan.

Somaliland: Beesha waqooyi galbeed oo doorashadooda lagu wadey in ay Muqdisho ka dhacdo waxaa ay noqotay garas dab saaran, aqalka hoose iyo mid sare midna ma dooran, 11 aqalka sare ah iyo 47 aqalka hoose ah ayaa ku dhiman beeshan, lamana oga xiliga ay wax bilaaban doonaan, odoyaal ka tirsan beelaha waqooyi ayaa sheegaya in laga qaaday kuraastii ay xaqa u lahaayeen, waxaa kaloo jirta in wasiir federaalka ah uu u hanjabay mid ka guddiga doorashada dadban ee federaalka ah taas oo cabashadeeda nasoo gaarsiisay.

Banaadir: Banaadiriga waa beel kale oo 7 kursi oo aqalka hoose ah laga sugayo, lama oga xilliga doorashada la aqaban doono, Banaadiriga iyo beelaha loo yaqaano .5-ka ama beesha 5-aad waxaa ay ku qadeen aqalka sare, waa dhibaato kale oo la diiwaangelinayo doorashada 2016-ka.

Hadaba Goobjoog News ayaa la hadashay qaar ka mid ah Odoyaasha, tartamayaasha iyo bulshada rayidka ah, si wax badan looga ogaado doorashada 2016-ka.

Agaasimaha Heritage Cabdirashid Xaashi, Dr. Liibaan Xuseen Ciise oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho, Murashax madaxweyne Maxamud Axmed Tarsan, Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan iyo Maama Shariifo Cadaw, oo dhammaantood la hadlay Goobjoog News, waxaa ay sheegayaan in aaney macquul aheyn in la doorto madaxweyne bishan November 30-keeda, iyagoo walaac ka muujiyay musuqa iyo caqabadaha ka jira doorashada 2016-ka.

Goobjoog News, waxaa ay xiriiro la sameysay guddiga doorashada dadban ee federaalka ah, afhayeenka guddiga Keynaan Maxamed waxaa uu sheegayaa in hadda ay ahmiyad siinayaan sidii doorashada aqalka hoose loo dhameystiri lahaa, isagoo ka gaabsaday in doorashada madaxweynaha la qaban doono November 30 iyo in kale, waa markii 3-aad ee jadwalkan guddiga doorashada uu shaqeyn waayo, waana markii 4-tii ee jadwal doorasho uu shaqeyn waayo marka lagu daro kii ay soo saareen madasha bishii August 2016-ka.

Goobjoog News,