U bood dhigaalka

Warbixin: Dilalkii, Qaraxyadii Iyo Weerarradii Dhacay 2017

Sheeko:Dalka

Sanadkan waxaa Soomaaliya ka dhacay dhacdooyin argagax leh sida weerarro, duqeyn iyo qaraxyo badan,  kuwaasoo uu ka mid ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca qaaradda Afrika.

Haddaba, Goobjoog News waxa ay akhristeyaasheeda dib u xusuusin-doontaa kuwii ugu waaweynaa, uguna xanuunka badnaa.

Bishii January, waxaa dhacay 3 qarax oo waaweyn oo labo mataano ahaayeen, sida qaraxyadii January  2, 2017 ka dhacay afaafka hore ee Xalane oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, Tarabuunka oo 3 dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah la diiwaan-geliyay iyo midkii January 25, 2017 ka dhacay Hotel Dayax kaas oo ay ku dhinteen  28 qof  iyo 51 kale ku dhaawacmeen.

Isla bishaas Al-shabaab dhawr xero ayey weerareen, waxaana dilal loo geystay askar, dad ku dhintay dagaallo sokeeye oo ka dhacay Hiiraan iyo Galguduud, AMISOM oo dad rayid ah dishay iyo dilal nabaddoonno iyo rayidba loogu geystay meelo ay ka mid yihiin Kismaayo, Jowhar, Baydhabo, Boosaaso Afgooye iyo Baladweyn.

Bisha Febraayo, waxaa ugu naxdin badnaa qarax February 19, 2017 ka dhacay Kaawo-godey,  30 ayaa dhimatay, 40 kale dhaawac, waxaa kale bishaasi dhacay qarax gaari oo ka dhacay Banaadir, qarax loo geystay Hotelka Village ee Boosaaso, dhaawaca C/raxmaan Kilwa ee Maxkamadda Mudug, dilal loo geystay nabaddoonnada Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), Nabaddoon Cabdi Cumar Ibraahim iyo Nabaddoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), waxaa kale oo la dilay Xildhibaan Cabdi Qaadir Qaasim Mursal iyo Maxamad Cumar Hagafeey iyo dad kale oo askar iyo ergo u badnaa.

Bisha Maarso Qaraxyada dhacay waxa ugu waaweynaa, March 13, 2017 waxaa Muqdisho dhacay Labo, Qaraxii Koowaad Warshaddii Nacnaca iyo mid kale oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarrama, labadaba waxaa ku dhintay 11 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof.

March 21, 2017 waxaa uu qarax kale ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Golaha Murtida & Maddadaalada ee National Theatre,  5 qof ayaa ku dhimatay, halka 21 kalana ay ku dhaawacantay.

March waxaa sidoo kale aad u badnaa dilka loo geystay askarta, ergadii Xildhibaannada soo doortay, dadka sidoo kale la dilay waxaa ka mid ahaa Xoghayihii Degmada Wadajir, C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow iyo  Weriye Xaamid Karaaz oo la dhaawacay

Bisha April, Qarax ka dhacay kuliyadda Jaalle siyaad 9-kii bisha waxaa ku dhintay 19 qof, qarax kale oo Wadajir ka dhacay April 10, 2017 waxaa ku dhimatay 4, 9 kalana dhaawac, mid kale oo ka dhacay nawaaxiga xarumaha wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga ee dowladda Soomaaliya 5 ayaa ku dhimatay.

Waxaa intaasi dheeraa qarax ka dhacay Deegaanka Golweyn oo 20 ku dhimatay, dilkii nabaddoon Mustaf Maxamed Dhicisow ee Baladweyn, dilalka Muqdisho loogu geysanayo ergada, askarta, waxaa sidoo kale qarax ka badbaaday saxafiga Faysal Cumar Xaashi (Faysal Ilkacase).

Bisha May, Bishaasi May qarax ka dhacay 8dii Baar Italiano waxaa ku dhintay 8 iyo 8 kale oo dhaawac ah, qarax kale oo ka dhacay dekadda May 24, 2017 waxaa ku dhintay 5 qof.

In kasta oo dilalka ergada iyo nabaddoonnada ay gaareen 6, sidoo kale waxaa la dilay  askar badan laakiin dilkii ugu hadal-heynta badnaa waa kii dhacay May 03, 2017, waxaa la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabbaas Siraaji.

Bisha June, waxaa uu qarax ka dhacay Piza House iyo Posh 14, 2017, waxaa ku dhintay in ka badan 25, dhaawaca 30 kale, qarax kale oo ka dhacay xarunta degmada Wadajir 17 ruux ayaa ku geeriyootay, 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah ku jiray guddoomiyaha degmada Wadajir iyo mas’uuliyiin kale, qarax 3aad waxaa uu June 22, 2017 ka dhacay  Saldhigga Waaberi, 8 dhimasho iyo in ka badan 10 dhaawac ah.

Dhacdooyinka bishaasi dalka ka dhacay waxaa ka mid ahaa weerarkii Al-shabaab ee Af-urur, kaas oo Korneyl Axmed Muuse Sangal iyo askar badan ku dhinteen maamulka Puntland.

Bisha July, qaraxii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhaco waa kii 31-da ka dhacay meel u dhaw Saldhigga Degmada Waaberi 5 ayaa dhimatay iyo 10 dhaawac ah,

Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno kale, weerar ayey Al-shabaab ku qaadeen Buulo-mareer oo askar badan AMISOM looga dilay, waxaa kale oo dowladda sheegtay in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).

Bisha August, waxaa uu 11-keeda qarax ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar, Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta

August dilalka ka dhacay Muqdisho waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii Galgaduud Maxamed Daahir Cali Cilmi, Nabaddoon Geeddi Maxamuud Axmed (Xaaji Geeddi Firdhiye) iyo Taliye ku xigeenkii Saldhigga Booliska oo lagu dilay Magaalada Boosaaso.

August 25, 2017: Waxaa ay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka 10 qof oo rayid ah ku dileen beer ku taalla deegaanka Bariire, Shabeellada hoose.

Bisha September waxaa aad u badnaa dilal qorsheysan  sida Sarkaal ka shaqeynayey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, General Cabdulle Maxamed Sheekh Quruurux, oday lagu dilay degmada luuq oo ahaa Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor)

Dilalka bishaas dhacay waxaa ka mid ahaa dilkii Xamar-weyne loogu geystay  Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab C/laahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuula Axmed Gaballe, oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

Waxaa kale oo weerar ay Al-shabaab ku qaadeen Bariire iyo Buulo-Guduud  iyaga oo halkaasi ku dilay  saraakiil badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Bisha October waxaa dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa Afrika, October 14, 2017 Qarax Ka Dhacay Zoobe, dhimashada waxaa lagu sheegay illaa 500 halka dhaawaca intaasi ka badan yahay, waxaa kale uu geystay khasaare maaliyadeed.

Isla Bishaas  October, 28, 2017:  Inta la og yahay ku dhawaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay ilinka hore ee Hotelka Naasa Hablood 2 degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Bisha November waa bishii ugu deganeed bilaha sanadka gaar ahaan Muqdisho,waxaa jiray  qarax ka dhacay 2dii bisha degmada Hodan khasaare badan kama dhalan, qaraxyo kale oo qaar saraakiil loogu xiray ayaa jiray, Gashaanle Maxamed Yuusuf Cali oo lagu dilay Degmada Yaaqshiid, Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ayaa isna la dilay iyo khasaare ka dhashay duqeyn Mareykanka ka fuliyeen meel ku dhaw Daaru Salaam

Bishan December, dilal badan oo rayid iyo ciidan waa jiraan, waxaase ugu khasaare badnaa qaraxii 14-kii bishan ka dhacay  xerada tababarka ee General Kaahiye, dhimasho iyo dhaawac badan. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacantay.

December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa la dilay isagana waa la dhaawacay.

Duqeymaha Mareykanka 2017:

Dalka Mareykanka ayaa sanadkan waxaa uu kordhiyay duqeymaha uu ka sameeyo gudaha Soomaaliya laguna bar-tilmaameedsado xarakada Al-shabaab.

Illaa 34 jeer ayey Mareykanka duqeeyeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo dilay in ka badan 228 qof.

Weerrarada Al-shabaab 2017:

Sanadkan Xarakada Al-shabaab waxaa ay weerareen Kulbiyow, Afgooye, Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, War-maxan iyo Tixsiile ee gobolka Sh/hoose, Baraawe, Qoryooley, Deegaanka Bariirre, Af-urur,  Duleedka Kismaayo, demooyinka Baydhabo iyo Qansax dheere ee koonfur galbeed,  Maxaas, Hiiraan, Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Galgala iyo meelo kale.

Weerarradaas Waxaa Ka Mid Ahaa:

Janaayo 21, 2017: Al-shabaab ayaa soo weerartey Afgooye, ilaa 8 qof ayaa ku dhimatay, Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in dagaallamayaasha Al-shabaab saddex jiho ka soo weerareen saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada ku sugan, kuwaas oo si weyn isaga caabbiyay.

Afgooye iyo deegaannada ku dhaw, waxaa ay Al-shabaab soo weerareen sanadkan marar badan, taasi oo keentay khasaare badan oo soo gaaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

January 27, 2017: Xarakada Al-shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey saldhigga AMISOM ee deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sheegay in ay dileen in ka badan 50 askari.

February 2, 2017: Xooggaga Ururka Al Shabaab, ayaa goor habeen ah weerar ku qaaday Deegaanka Carabiya, oo ka tirsan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, dadka deegaanka ayaa sheegay  in Shabaabku ay weerarkaasi ku dileen 15 ka mid ah Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay gubeen gaari ay askartu laheyd.

March 3, 2017: Ciidamada Kenya waxaa ay sheegeen in Al-shabaab  ka dileen in ka badan  57 dagaalyahan, dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Al-shabaab ay ku lahaydd nawaaxiga Afmadow.

March 23, 2017:  Al-shabaab ayaa weerar ku qaadday Baraawe, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha, 5 askari iyo gaari la gubay ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray dhanka dowladda, hal qof ayaa dhankooda laga dilay Al-shabaab.

April 30, 2017: Ururka Al Shabaab oo dagaal qorsheysan ku qaaday Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegtay guulo, waxaa goobta la weeraray joogay ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya.

May 23, 2017: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

June 8, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Deegaanka Af Urur oo ah duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa uu dhex-maray maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

Korneyl Axmed Muuse Sangal, oo ahaa taliyihii aagga dagaalka uu ka socdo iyo 20 askari ayaa la gowracay, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Goobjoog News.

June 10, 2017: dagaal ayaa ku dhex maray Dowladda iyo Al-shabaab Deegaanka Bariirre, Inta la xaqiijiyey 10-ruux oo shacab iyo dhinacyadii dagaallamay isugu jira ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Xarakada waxaa ay xeradaasi iyo goobo kale oo Bariire ka tirsan sanadkan weerartay dhawr jeer oo September 29 iyo October 2 ugu dambeeyeen, mar walbo khasaare badan ayaa laga sheegayey.

July 31, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay  Buulo-mareer, Shabeellada hoose, Ururka Al Shabaab  ayaa sheegay inay ku dileen 39 ka mid ah Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, isla-markaana ay gacanta ku hayaan meydadka askartaasi.

August 10, 2017: Al-shabaab ayaa weerartay Abuu-mansuur, dhimashada waxaa lagu sheegay in ka badan  25, gawaari ayaa laga gubay Abuu Mansuur.

August 27, 2017:  Xoogagga Al shabaab ayaa weerar culus  ku qaadey Fariisimo Ciidamada Midowga Africa, ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn .

September 3, 2017: Alshabaab ay dagaal culus  ku qaadeen saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigaas ku dishay in ka badan 20 askari, halka warar iyaga ka madax bannaanna ay sheegayaan in halkaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari.

Gunaanad:

Inkasta oo dowladda federaalka sameysay dadaallo badan oo amniga lagu sugayo sida dhismaha ciidanka xasillinta Banaadir May 11, 2017, haddana taasi kama hortagin in ay Muqdisho cel-celis ahaan bishii ka dhacaan 2 qarax, Waxaa Sidoo kale Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Afrika, waxaa intaasi dheer in markii ugu horreysay Al-shabaab weerarto xerooyinkii ugu badnaa iyo Dalka Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyay duqeyntii ugu tirada badneyd ee dal Afrikaan ah uu ka geysto.

Haddaba, Khubaro la hadlay Goobjoog News, waxaa ay dowladda federaalka ah kula taliyeen in ay difaaca ka baxdo sanadka soo socdo, in aaney iclaamin dagaal aaney qaadi-doonin iyo in ay ka dhabeyso dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo tiro iyo tayo ahaan dhameystiran.

W/Q: Abdirahman Hussein Ali

Goobjoog News

Warbixintan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan