U bood dhigaalka

Warbixin: Duufaan Iyo Roobab Khasaare Geystay Oo Ku Dhuftay Waqooyiga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Duufaan iyo roobab xoogan ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay xeebaha waqooyiga Soomaaliya, taasi ay ka dhalatay khasaare naf iyo maal leh, sidaasi waxaa soo tabiyay weriyeyaasha Goobjoog News ee Somaliland iyo Puntland.

Deegaannado Somaliland ka tirsan ayaa go’doonsan, tusaale ahaan warar ay heshay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in deegaanka Bulaxaar ee ka tirsan gobolka Saaxil ay roobab duufaan wata ka da’een iyaga oo go’doomiyay tuulada Ceel –Sheikh iyo dadkii deganaa kadib markii biyahii beriga iyo kuwii badda isgaadheen, geesta kale dadka tuulada Ceel-Shekh ee ka tirsan degmada Bulaxaar ayaa wararku sheegayaan Inay dadka masaajid Ku jiraan kadib markii uu Guryahoodii La tegay Roobka Duufaanta.

Dhanka Berbera, hal qof ayaa ku dhintay guri ku dumay magaalada gudaheeda, kadib roobab waaweyn ay halkaasi xalay ka da’een. 900 qof dad ka badan ayaa laga daad gureeyay xaafadihii ay deganaayeen, kuwaas oo hadda la dajiyay dugsiyada waxbarashasa ee magaalada. Roobka ka da’ay Berbera ayaa watay duufaan xoog badan iyadoo dooxyada magaaladu guryo badan galeem.

Weriyaha Goobjoog News ee gobollada Sool iyo Sanaag waxaa uu sheegayaa in gobolka Sool aanu jirin wax khasaare ah balse wararka qaar sheegayaan in Sanaag dhibaato soo gaartay, arrintaas oo maamulka sheegeen inay warbixin ka soo saari-doonaan.

Xeebaha gobolka Bari, ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay, waxaana la sheegayaa in ay biyo galeen togag badan, kaamka Tawakal oo ku yaala Galbeedka Magaalada Bosaaso ayaa Waxaa ku bara kacay dad gaaraya ilaa iyo 200 oo qoy s oo ah dad Barakacayal ah oo ku noolaa guryo ka samaysnaa Cooshado, kartoomo, iyo Baco.

Arbacadii, Xarun saadaasha hawada oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka digtay in roobab dabeylo wato oo ay sheegtay in ay ka di’i-doonaan waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Yemen.

Roobkan, waxaa lagu qiyaasay awooddiisa inta u dhaxeysa 50-100mm, waxaa uuna ku da’ayaa xeebaha teedsan Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inuu gaaro ilaa 250mm.

Dabeesha waxaa ay ka soo bilaabatay  jaziiradda Socotra, iyada oo ku soo fiday xeebaha waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen.

Wararka, Duufaanta kala soco, Goobjoog News