U bood dhigaalka

Warbixin: Farmaajo Oo Booqanaya Dal Soomaaliya Cadow Ku Ahaa 15 Sano

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa ay booqasho rasmi ah oo 3 maalin ah uga bilaabaneysaa dalka Eritrea, waa dal cadow ahaa sanadihii dambe.

Dalalka Eritrea iyo Soomaaliya ma fiineyn xiriirkooda diblomaasiga ah 15 sano ee ugu dambeysay, iyada oo Muqdisho ku eedeysay Asmara inay taageerto argigixisada.

Dalka Eritrea  tusaale ahaan, waxaa ay UNka cunaqabateyn u saareen Soomaaliya darted, cuna-qabateyntan oo saarneyd tan iyo 2009kii, waxaa la cusbooneysiiyay dhammaadkii sanadkii hore, waxaa ayna soconeysaa ilaa 15 November 2018.

Sida lagu sheegay qoraalka UNka, Eritrea waxaa ay taageertaa argigixisada Soomaaliya, sidaasi darteed waxaa laga mamnuucey dhoofinta iyo la soo degidda hubka iyo dhuxusha.

Booqashada Farmaajo lama sheegin ajendo iyo ujeedo midna, xataa aadistiisa Eritrea waxaa dunida u shaaciyey wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel‏, kaas oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Inkasta oo Eritrea mar weliba inkiri jirtay xiriirkeeda Al-shabaab iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda hoggaanka Villa Somalia hadana Soomaaliya shaki weyn ayey qabtay, waxaana istaagay dhammaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Booqashada aan ujeedkeeda la shaacin ee Farmaajo ku tagayo dalkaasi waxaa ay daba socotaa kadib markii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Eritrea iyo xilli uu Abiy Axmed oo ah ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo ninka sheekada oo dhan ka dambeeyo uu ka codsaday Qaramada Midoobey in cunaqabateynta laga qafiifiyo  Asmara.

Dhankiisa, António Guterres oo horay uga hadlay cunaqabateynta ayaa sheegay in ay tahay mid laga soo gudbey, oo la gaaray xilligii la qaadi lahaa.

Isbadalka ka dhacaya geeska Afrika waxaa ku lug leh Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka, kaas oo ka dambeeyay inuu soo dhawaanshiyaha dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Imaaraadka waxaa ay saldhig militari ku leeyihiin Eritrea, gaar ahaan magaalada Casab, damaca Abu Dhabi ee geeska Afrika waxaa ay rajadiisu yaraatey kadib markii ay isku dhaceen Djibouti iyo Soomaaliya.

Loolanka waa marinta Baab Al-mandab, Badda cas iyo gacanka carbeed, waxaa sidoo kale xusid mudan in aanu wanaagsaneyn xiriirka Imaaraadka uu la leeyahay dalalka Soomaaliya iyo Djibouti, taasi oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyneyso.

Goobjoog News