U bood dhigaalka

Warbixin: Gabood-fallada Saxafiyiinta Soomaaliyeed 2017kii

Sheeko:Dalka

Ururka midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa la sheegayaa in uu ka digay dhibaatada loo geysto saxafiyiinta, shan( 5) saxafi ayaa sanadkii tagay lagu dilay Soomaaliya halka la xiray illaa 32 kale  iyaga oo shaqadooda ku guda jira.

Warbixintan oo ay daabacday Al-jazeera, Maxamed Ibrahim Macalimu, Xogheyaha guud ee NUSOJ, waxaa uu u sheegay shabakaddan in Soomaaliya lagu dilay 5tii sano ee la soo dhaafay illaa 51 saxafi , isaga intaasi raaciyay in hal iyo labo marka laga reebo inta kale aanan dambiilaha wax laga qabanin, waxaa uu  xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in dambiilayaasha cadaaladda la hor-keeno.

Xogheyaha guud ee NUSOJ  Macalimu, waxaa uu sidoo kale codsaday in la soo saaro xeerar adag, oo ilaalinaya xuquuqda saxafiga, isla markaana joojin kara falalkaas khatarta ku ah noloshooda.

Cabdi raxmaan Iidaan oo hadda sii haye ka ah wasaaradda warfaafinta federaalka ah, oo la hadlay Al-jazeera waxaa uu ballan-qaaday in xukuumadda arrinkaasi wax ka qaban-doonto.

Soomaaliya waxaa xilligan ka howl-gala illaa 67 Idaacad, 21 Telefishin iyo 30 Journaal, waxaana adag nolosha ay saxafiyiinta ku shaqeeyaan.

Hey’adda UNESCO,  waxaa ay sheegtay in Soomaaliya saxafiyiinteeda ay khatar ku jiraan, kaalinta 4aad ayey uga jiraan dalalka ugu khatarta badan dunida, oo  waxaa ka horreeya uun dalalka  Suuriya, Ciraaq iyo Mexico.

Goobjoog News