U bood dhigaalka

Warbixin: Galmudug Oo Fool Dheer Kadib Laga Cabsi Qabo Umul Raacasho!!

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxaa khudbeeyey murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee dowlad goboleedka Galmudug iyaga oo soo bandhigay sida ay wax u maamuli-doonaan haddii la doorto berri oo khamiis ah.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii ay qoraal soo saareen murashaxiinta aan weli isdiiwaangelin ee Galmudug sida Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Faarax Weheliye iyaga oo codsaday in doorasho dib loo dhigo 2 todobaad maadama aan loo dhammeyn.

Murashaxiintan ayaa sidoo kale waxaa ay dalbadeen in la dhageysto baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aadan in aan la dhisin Galmudug aan loo dhameyn.

Dhankooda, qoraal ay xalay soo saareen beesha caalamka gaar ahaan hey’adaha iyo dalalka ka ah: AMISOM, Australia, Denmark, Djibouti, Egypt, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkey, United Kingdom, United Nations  iyo United States ayaa lagu dalbaday qodobbo dhowr ah.

Beesha caalamka waxaa ay walaac ka muujisay xaaladda Galmudug iyada oo soojeedisay in aan la ogolaan in la baabi’iyo dadaal 7 bil socday, laga fogaado colaad  isla markaana wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal.

Beesha caalamka waxaa ay xildhibaannada, murashaxiinta, Ahlu Sunna Wal Jamaca iyo kuwa ku sugan Galmudug iyo wakiilada dowladda federaalka ah ay dhammaan ugu baaqday in loo dhaqaaqo sidii loo heli laha wax loo dhanyahay.

Galmudug waxaa ay xilligan leedahay saddex baarlamaan, madaxweyne Axmed Geelle Xaaf waxaa uu magacaabay ilaa 68 xildhibaan, Ahlu sunna waxaa ay ku dhawaaqday 69 xildhibaan halka uu jiro baarlamaanka kale oo dowladda federaalka ah aqoonsantahay oo gaaraya 89 xildhibaan.

Madaxa Ahlu sunna Sheekh Shaakir waxaa uu sheegay iney baarlamaanka soo dhiseen kadib marka halka la rabay iney odeyaal dhaqan wax xulaan ay dowladda federaalka ah qoratey xildhibaannada Galmudug.

Madaxweyne Axmed Geelle Xaaf oo ku sugan Galkacyo waxaa uu iska diiday hannaanka ay dowladda federaalka ah wax uga waddo Dhuusamareeb isaga oo baabi’iyey dhammaan natiijada hawlaha la qabtay.

Qaar ka tirsan xildhibaannada labada aqal ee BF oo baaqyo soo saarayey maalmaha ayaa ka digay in la boobsiiyo doorashada Galmudug iyaga oo ku taliyey in dadka oo dhan laga qeybgeliyo.

Maamulka Farmaajo oo arrinta Galmudug uu gacanta si gaar ah ugu hayey ra’isul wasaarihiisa Xasan Kheyre ayaa afduubey rabitaanka odeyaasha dhaqanka, badalady qaar ka tirsan saxiixayaashii, soona qortay xildhibaanno daacad ah,  kadibna xildhibaannadii ayaa doortay guddoomiye baarlamaan oo ka tirsanaa Villa Somalia. Arrimahaas iyada oo la arko, lana aqbalay ayaa sida muuqato waxaa ay DF isku daydey iney dhameystirato shaqada ay bilowday , keenta murashaxa madaxweyne ee ay rabto, taasi oo lagu baraarugay, lana diiday.

Sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee baarlamaanka ay DF xushay , haddii sida ay sheegeen khamiista berri ah la doorto madaxweyne, waxaa hubaal ah in wax dhicis ah soo bixi-doonaan, lagana yaabo tillaabadaas darteed in Galmudug oo dhan ay umul raacato.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News