U bood dhigaalka

Warbixin: Golaha Shacabka Iyo Garsoorka Oo Khilaaf Dastuuri Ah u Dhaxeeyo Iyo Villa Somalia Oo Ka Aamusan

Sheeko:Baarlamaanka

Khilaadka dastuuriga ah ee u dhaxeeya golaha shacabka iyo maxkamadda sare waxaa uu gaaray heerkii ugu sareeyay, bahda garsoorka dalka waxaa ay maxkamadda la qabaan sida go’aanka u gaartay, waxaa arrinkaas ku taageeray wasiirka dastuurka xukuumadda Khayre halka golaha shacabka oo si fudud go’aan u qaatay uu halkiisa taagan yahay, Aqalka sare waxaa ay wadaan xal siyaasadeed, sidoo kale weli ma cadda go’aanka Villa Somalia iyo maamul goboleedyada.

Maxkamadda sare iyo bahda garsoorka dalka oo qaarkood la hadlay Goobjoog News waxaa ay qabaan in go’aan maxkamadeed lagu joojin karo oo keliya go’aan kale oo maxkamad gaarto, arrinta golaha shacabkana ay tahay sal fudeyd.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo arrintaasi aan kala sheekeysanay waxaa uu  soo jeediyay in laga fogaado  isku dhaca hey’adah dastuuriga ah“Maadaama madaxweynaha uu yahay mid dastuuri ah, baarlamaanku yahay mid dastuuriya, aqalka sare uu yahay mid dastuuriya haddii hay’ad hay’ad kale xaqirto waxaa uu ka dhiganyahay in dastuurka oo dhan uu isku qaldamo”

Maxamed waxaa uu rajo ka qabaa xalka Aqalka sare “Aqalka sare ayaa go’aanka maxkamadda taageeri doona, madaxweynahaa taageeri doona, 8 kursi wax badan ma aheyn baarlamaanka waxa ay sameeyeen taariikh qaldan ayay aheyd wax dadka shacabka ah ay la yaabeen ayay aheyd”.

Mid ka mid ah dadka ay maxkamadda sare u dacwooday ee Ibraahim Saalax Deyfullaah ayaa Goobjoog News u sheegay in uu ka niyad jabay tillaabada golaha shacabka “Walaahi arrintaasi waa arrin aad iyo aad nooga yaabisay shacabka Soomaaliyeed iyo wax-garadka Soomaaliyeed aad iyo aad ayey ula yaabeen arrintaasi, arrin laga filayay ma aheyn baarlamaanka Soomaaliyeed, waxaan fileynay in ay ka buuxaan dad mutacalimiin ah oo sharciga Islaamka iyo kan wadciga ah wax ka yaqaanno, marka waxaa is leeyahay intaas baarlamaanka wuu ka argti dheeryahay. Aad ayaa uga xunnahay in go’aan ceynkaa oo kale oo aysan laheyn uu ka soo baxo in ay dhahaan xukun ka soo baxay maxkamad ayaa burineynaa waa wax laga xumaado”

Deyfullaah  waxaa uu sheegayaa in golaha shacabka been loo sheegay si tillaabadan u qaadaan “Been abuur la sameeyay ayaa jirta oo dadka baarlamaanka ku cusub ayaa jira, shaki badan ayaa la galiyey, waxaa la yiri, haddii la furo arrintaan oo kale oo sideedaan qof lagu noqdo kuraastooda qaar badan oo idin ka mida ayaa lagu dhagi doonaa”.

Wasiirka Dastuurka federaalka ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay in golaha shacabka ku qaldan yahay ka hor imaanshaha go’aanka maxkamadda sare.

xjibol

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo  wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay waxa ay aqalka sare ka yeelayaan muranka dastuuriga ah ee u dhaxeeya golaha shacabka iyo garsoorka dalka“Aqalka sare howshaas waa ku howlan yahay, hey’adihii  dhammaan ay arrintaas khuseysay kulamo ayuu la wadaa, waxaan ku rajo weynahay in laga gaari doono xal sababa xasilooni siyaasadeed dalka in uu ku jiro

Halkan Ka Akhriso Qodobka 106aad oo ka hadlaya  Madaxbannaanida Garsoorka

(1)         Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.

(2)         Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo.

(3)         Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

Golaha shacabka ayaa July 22keeda ansixiyay qaraar ka dhan ah g’aankii maxkamadda sare ee dalka ay gaartay May 16, 2017-ka kaas oo ahaa in lagu celiyo  doorashada 8 kursi oo lagu muran sanaa, go’aanka maxkamadda ayaa taageeray mid la mid ah oo ay gaareen guddiga Khilaafaadka doorashada dadban.

Waxaa xusid mudan in xilligan adkaan doonto dacwada hey’adaha dowladda waayo, dhinacyada iyo hey’adaha ay doorashada dadban 2016-ka khuseyso qaarkood waa la baa’biyay, waxaa ka mid ah guddigii doorashada dadban iyo guddiga khilaafaadka, taasi oo kiiska sii adkeyn doonta.

Goobjoog News