U bood dhigaalka

Warbixin: Goobjoog News Oo La Kulantay Guddi Qiimeynta Xabsiga Dhexe, Taliska Ciidamada Asluubta Iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe

Sheeko:Dalka

Goobjoog News oo ka duuleysa wal-walka la sheegay in uu madaxweyne Farmaajo ka heysto xaladda maxabiista xabsiga dhexe iyo magacaabistii guddi qiimeyn ayaa  kulan gaar ah la yeelatay guddiga  Taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta, Taliyaha Xabsiga dhexe iyo khubara uu Farmaajo magacaabay ee qiimeeyta xaaladaha ka jira Xabsiga dhexe.

Ugu horreyntii waxaan la kulanay xubno ka tirsan guddiga qiimeynta sida Dr C/qaadir Maxamed Muuse oo ah Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka iyo Mukhtaar Nuur  oo isna ah Garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka, waxaan weydiinay xubnaha guddiga iyo shaqada ay tahay in ay qabtaan.

Mukhtaar Nuur waxaa uu Goobjoog News u sheegay in guddigan uu ka kooban yahay 4 xubnood kuwaas oo kala ah: isaga oo Mukhtaar ah, Dr C/qaadir Maxamed Muuse oo ah Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka, Dr Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qareen iyo  Maryan Nuur Maxamed oo ah Kaaliyaha xafiiska La taliyaha sharciga ee madaxweynaha.

Mr. Nuur waxaa uu intaa ku daray in dadkan ay yihiin khubaro loo xil saaray in ay wax ka ogaadaan cabashada ka jirta xabsiga dhexe, tillaabadanna ay qeyb ka tahay islaax ama hagaajin guud oo madaxweynaha federaalka ah Farmaajo uu la damacsan yahay garsoorka dalka.

Dr C/qaadir Maxamed Muuse oo ah Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka ayaa Goobjoog News uga warramay shaqada guddiga ayaa sheegay in wax ka ogaan doonaan cabashada ka jirta xabsiga dhexe sida tirada maxaabiista, inta xukuman, inta garsugaha ah, qaarka muddada dhaafay, qaar da’dooda ka hooseyso 13 iyo jir oo xiran, dad warqado been ah inta la sameeyay lagu asteeyay argigixiso, in la xaqiijiyo dadka xukunkooda dhammaaday oo weli xiran, dad dil geystay oo ehelada diyo ku heshiisyeen oo iska xiran iyo arrimo kale.

Ilaaliyahii hore ee Qaranka waxaa uu sidoo kale ka hadlay in shaqadooda aaney aheyn in ay soo baaraan go’aan garsoore horay u gaaray, oo arrintaas ay u taalo garsoorayaasha, maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare, ee ay baarayaan oo keliya xabsiga haddii ay jiraan cabasho iyo dad ku xiran xaq darro, isagoo hadalakiisa ku soo gabagabeeyay in  madaxweynaha laga yaabo in uu maxaabiis cafiyo dhammaadka bishan Ramadaan.

Dhinaca kale, Waxaa Goobjoog News la hadlay taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Mudane Cabdikarim Afrax isaga oo soo dhaweeyay guddiga uu soo magacaabay madaxweynaha, waxaa uu intaa ku daray in aaney ka hor dhaceyn waxqabadka guddiga laakin ay fududeyn doonaan wax walbo oo dhankooda ah.

Ugu dambeyntii Goobjoog News waxaa u warramay S.Guuto Maxamed Sh. Cumar S. Maxamuud taliya xabsiga dhexe isaga oo dhankiisa soo dhaweeyay guddiga, waxaa uu intaa raaciyay in xabsiga ay ku jiraan dhammaan dadka uu ka hadlay xeer ilaaliyaha, isla markaana uu rajeynayo in baaritaanka ay natiijo fiican ka soo baxdo.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye

Goobjoog News