U bood dhigaalka

WARBIXIN: Goobjoog Oo u Kuurgashay Xaaladda Barakacayaasha Xilliga Habeenkii (Muuqaal)

Sheeko:Dalka

 

Anbiyo Nuur Axmed  oo ah 65 jir toddobaad ka hor u soo barakacday Magaalada Muqdishu ayaa sheegtay in saddex ka tirsan carruurteeda oo shubmaya aanay u helin daryeel caafimaad.

Anbiyo oo aragga la’ waxay u tahay habeenkan mid qeeraysan sababtoo ah waa  markii ugu horaysay oo ay habeen cashayso labbo toddobaad oo xeradan Rajab ay ku jirto.

Hooyadan oo qoyskeeda uu ka kooban yahay Toban carruur ah iyo aabbahood ayaa ka mid ah konton qoys oo aan haysan hoy, waxayna habeenkii wada seexdaan aqalkan oo inta aan iyadda ka ahayn ay oogadda caradda ka xigsadaan Kartoomo.

Saddexdii Bilood ee u dambeysay waxaa xeryaha Muqdishu soo gaaray 9 kun oo qoys oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo beeraley ay saameysay abaarta, sida uu GoobjoogTv u sheegay  gudoomiyaha degmadda kaxda.  Waxuu xusay  inay ka walaacsan yihiin xaaladda dadkan, ayna u gudbiyeen hay’adaha samafalka.

Qoysaskan waxay ka yimaadeen degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobollada Shabellaha Hoose iyo Jubbooyinka iyo meelo kale oo aan gurmad lagu gaarsiin karin amaan-darrida awgeed. Qaarkood oo awoodi waayay dhaqaalaha gawaarida lagu raaco waxay magaalada soo galeen iyaga oo lugeynaya.

Xeryahan waxaa ku nool dad aad u dhibaataysan, waxaa kamid ah kuwo caruurtoodu ka xanuunsanayaan, kuwo baahiyo aragga qaba sida ninkan oo kale oo isaga iyo caruurtiisu ay indha la’yihiin.

Xilliga iyo goobta ay joogaan ayay ku gam’aan caruurtan maadama ay ka dhasheen qoysas sabool ah oo qudhoodu u baahan daryeel.

Nuurto Cali Axmed oo waa ayeeyadda gabadh lagu magacaabo Maymuun oo ah sagaal jir walaalaheed kala soo lugaysay waajid, waxay uga warantay Barnaamijkan Kormeer xaaladodou sida ay tahay.

Cudurro ayaa ka dilaacay xeryahan, waxaana kamid ah jadeecadda , Xaliimo Axmed ayaa raadraadin ugu jirta inay dawo u hesho caruurteeda.

“Taleefanka ayaa u soo dhacay, waxayna la hadlaysaa mid kamid ah ehelkeeda oo ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya , waxaa laga waraysanayaa xaaladoodu sida ay tahay.

Inkasta oo ay kordhayaan tiradda dadka ka soo cararaya abaaraha ee soo galaya xeryaha dadka barakacay ayaa hadana waxaa jira dadaalo uu wado Maamulka Gobolka banaadir.

Waxaa duleedka degmada kaxda laga hirgeliyay dhul cabirkiisu dhan yahay 148 boos kaas oo ay ka faa’iidaysanayaan 3,000 oo qoys sida uu sheegayo gudoomiyaha Kaxda Maxamed Ismaaciil.

Dadka ka faa’iidstay barnaamijikan degaamaynta wax badan ayaa iska badalay noloshooda kadib muddo ay cidli ciirsi ku ahaayeen Magaaladda.

Halkaan hoose ka daawo warbixinta

W/D: Munasar Maxamed Cabdi

Goobjoog News