U bood dhigaalka

Warbixin: Imisa Ayaa Lagu Dilay Soomaaliya 2016kii

Sheeko:Dalka

Sanadkii 2016-da ee dhammaadey waxaa Soomaaliya ka dhacay dhacdooyin naxdin lahaa, celcelis ahaan magaalada Muqdisho oo keliya waxaa ka dhacay 2 qarax oo ismiidaamin ah bishiiba.

Goobjoog News, waxaa ay diin-waangelisay inta badan dhacdooyinkaas, dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ka jira,  waxaa ay ku guul-dareysteen bad-baadinta dadka rayidka, arrintaas oo culeys badan saari doonta dowladda soo socota iyo isbadalka ay muhiimka tahay in uu dalka ka dhasho.

Dhacdooyinkaas waxaa ay ka dhaceen:

Muqdisho: The Village, Liido, Daalo, Goroonka, Hotel SYL, Xarunta Gaadiidka Booliska, maqaahida Rajo, Visha Governo), Fiisha Taraafiko, Maqaahi ku taallo Cali Kamiin, Hotel ambassador, Hotel Naasahablood, xerada Xalane, CIDda, SKY Plue, Suuqa beerta ee degmada Waaberi, Dekadda

Qaraxyo Gobollada ka dhacay:Baydhabo, Baladweyn, Garbahaarey, Suuqa Afgooye, Galkacyo iyo magaalooyin kale.

Waxaa kaloo jiray dilal qorsheysay oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, dad la shaqeeya hey’adaha caalamiga iyo dad kale oo rayid ah.

Halkan ka akhriso shaxda oo Dhameystiran:

NO Gobolka Dhaawacyo Dhimasho
1 Banaadir 423 307
2 Gedo 56 46
3 Galgaduud 89 106
4 Shabbellaha Hoose 84 215
5 Toghdher 1 1
6  Shabeellada Dhexe 29 54
7  Jubbada Dhexe 2 17
8 Jubbada Hoose 15 68
9 Bakool Lama yaqaano 38
10 Bay 91 107
11 Hiiran 46 237
12 Gobolka Bari 8 16
13 Mudug 95 147
14 Waqooyi Galbeed(Hargeisa) Lama yaqaano 51
15 Sool 4 13
Total: 943 Total: 1,423