U bood dhigaalka

Warbixin: In Ka Badan Hal Milyan Oo Soomaaliya Gudaheeda Ku Barakacay

Sheeko:Dalka

Inkabadan Hal(1) milyan oo qof ayaa xiligan ay sameesay abaarta ka jirta Gobolada dalka waxaan dadkaasi intooda badan ka dhammaaday waxa ay heysteen oo ay ugu horeyaan xoolihii ay dhaqanyeen.

Meelaha ugu badan ee dalk oo ay baarta ay saamesay waxaa ka mid ah gobolada waqooyi ee soomaaliland deganada Puntland gobolka bari iyo Galmudug.

Waxaa kale abaarta si aad ah u sameesay dadka ku nool gobolada koonfturta Soomaaliya sida Bay, Bakool, iyo Gedo, Sidoo kale xaalad adag ayaa ku jirta dhanka gobolada Shabeeloyinka iyo Hiraan ka jirta halkaasi oo qoysas badan ay hoylaan iyo nolal la’aan ay ku heyso.

Gobolada waqooyi dad lagu qiyaasay 800,000 oo kun ayaa abaarata ka barakacay dhinaca kale Gobolada Soomaaliland waxaa kale oo lagu sheegay tiro badan xoolaha  inay ka dhamadeen dadkaasi.

Gudoomiyaha gudiga abaaraha Sheekh Saciid Axmed cadar ayaa Goobjoog u xaqiijiyay in xaalada Goboladaasi ay xiligan ay tahay mid kasii dareeso.

Gobolada maamulka Puntaland oo iyadana ka mid ah meelaha ugu daran ee abaarata ay ka jirto ayaa dad lagu qiyaasay 240,000 kun ay sameesay abaarta sidoo kale 70% ayaa xoolaha dadkaasi ay ka dhamadeen sida Goobjoog u sheegay gudoomiyaha Gudiga abaara maamulka Puntaldn sheikh Fu’aad

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay inay diwaan galiyeen 57,000 oo qoys oo ay baarta sameesay kuwaasi oo ku nool Gobolada maamulkaasi. Wasiirka gar gaarka maamulka Galmudug shire xirsi ayaa sheegay in sidoo kale ay dhinteen 87 qof oo cudurka shubanka uu soo ritay.

Gobolka Hiraan in kabadan 2,500 ayaa abaarta ka barakacay kuwaasi xiligan xaalada adag oo dhanka nolosha ay haysato waxaa kale oo jira dad badan oo udhintay cudura walina gaar gaar kufilan maysan helin.

Gobolka Gedo iyo Bay. In kabadan 2500 ayaa aaday dhanka iItoobiya kuwaasi xero kutaala Dolaw ay kuheysato hoylaan nolol ku filana aan haysan, waxaa kale oo jira 4000 qoys oo ku nool Baardheere oo ay abaarta sameesay.

Waxaa iyadana jirta boqayal qoys oo kasoo cararaya Shabeelaha hoose, Bay  iyo Bakool kuwaasi oo soo garaya duleedka magaalada Muqdisho.

In kabadan 200 qof ayaa udhintay cuduro goboladaasi walina waxa jirta dad aan la qiyaasin oo ay abaarta sameesay.

Hay’adda mareenta musiibooyinka qaranka ayaa horay usheegtay in 10 qofba afar ka mid ah ay sameesay baarta dalka ka jirta iyadoo gobolada dalka lagasoo sheegayo gurmad aan kufilnen dadkaasi

W/D: Cabdiwahaab Maxamed Ibrahim.

Goobjoog News