U bood dhigaalka

Warbixin: Jaamacadda City Oo Qalin Jabinta Dufcadii 1aad U Dhigtay Xaflad Weyn, Akhriso Khudbadihii Mas’uuliyiinta

Sheeko:Dalka

Sabtidii(June 30, 2018), waxaa caasimadda Muqdisho lagu qabtay xafladda qalin jabinta dufcadii 1aad ee Jaamacadda City, taas oo ardey 100 dhan ka qalin jabiyeen shahaadada heerka 1aad(Bachelor)  ee  culuumta kala ah: Siyaasadda, Civil engineering, IT, Beeraha, Cilmiga Badda iyo Kaluumeysiga, Shareecada iyo Qanuunka,  halka shahaadada heerka 2aad ee Master-ka lagu qaatay(governance, peace building and conflict resolution).

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay mas’uulyiin ah ka mid yihiin Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Maxamed Mursal Cabdiraxmaan,  Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad golaha Aqalka Sare ee BFS Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka federaalka ah Cabdiraxmaan Xaashi iyo guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada Cabdiraxmaan Yarisow, marti sharaf kale iyo waalidiinta ardeyda.

Prof. Cabdullahi Axmed Bariise oo ah  madaxweynaha Jaamacadda City oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay marti sharafka iyo macalimiinta ardeyda wax soo bartay isaga oo dul maray ujeedka Jaamacadda loo aasaasay, barnaamijyadeeda iyo mustaqbalka waxa ay hiigsaneyso.

Prof. Cabdullahi Bariise waxaa uu sheegay inkasta oo Jaamacadda la aasaasay April 2012-kii hadana ay shaqo bilowday September 2013-kii, loona aasaasay waxbarasho tayo leh in waddanka u horseedo, doowrna ka qaadan karto horumarka iyo dib u dhiska dalka, in la helo ardey maskaxdooda dhisan tahay, oo dhaqan leh, lana baray aqoon guud sida cilmi baarista, noqdana ardey wax soo kordhin kara.

Prof. Cabdullahi Axmed Bariise oo arrintaasi ku dheeraaday waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “ Jaamacaddan city University, 10 programe ayey hadda leedahay, darajooyin ay bixiso, 9 ka mid ah waa  bachelor’s degree, mid ka mid ah hadda ayaad ardeyda arki-doontiin waa Mastres degree oo ku saabsan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka,..qeybaha 9aadka ah waxaa lagu xulay, kulli waxaa lagu xulay inay muhiim u yihiin dib u dhiska dalka marxaladda lagu jiro iyo midda dhow ee muuqata iyo inaan ka soo bixi karno macalin ahaa iyo agab ahaan”. Mar uu sharaxayey qeybaha waxaa uu yiri “Qeyb waa qeybta ku saabsaneyd dib u hagaajinta wax soo saarka waddanka iyo horumarintiisa xag beero ha noqoto, xag bad ha noqoto, ha noqoto xag xannnaano xoole, dhanna waxaa uu yahay dhan ku saabsan kaabayaasha waddanka in dib loo dhiso, mid la taaban karo iyo mid aan la taaban karin, tan la taaban karo oo Injineerinka ka mid yahay, tan aan la taaban karin oo ah in hey’adaha waddanka dib loo dhiso oo ay ka mid tahay ardeyda noo baratay culuumta siyaasadda iyo adeegga bulshada, shareecdaha iyo qaanuunka, dhaqaalaha iyo techlojiydda noo baraneysay, mustaqbalka waxaa noo qorsheysay waxbarashada farsamada gacanta, waxbarashada sare iyo waxbarashada aqoon kororsiga, waxaa noo qorsheysan inaan xoojinno cilmi baarista”.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ammaanay jaamacadda si ardeyda u tayeeyeen.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa hadalladiisa ka mid ahaa“Waxaan idiin leeyahay waxaad hesheen fursado aaney dad kale helin, kow waxaa hesheen jaamacad idinka dhista dhinaca luqadaha, waxaad kale oo hesheen waalidiin ka hadleysa manaahij al-baxthi ama Research methodology, labadaas waa nasiib”. Mursal oo hadalkiisa sii wata waxaa uu raaciyay“ Waddankan daraasado badan ayuu u baahanyahay, waxaad aragteen 27 sano oo waxaan ku jirnaa burbur ah, iyada oo aan daraasad la sameynna ma aaminsani marar qaar in burburka laga bixi karo, baarlamaanka daraasad ayuu u baahanyahay, xukuumadaha is-badbadal daraasad ayey u baahanyihiin,…idinka ayaa sheegay ujeedada waxbarashadiina waxaa tiraahdeen dib u dhiska waddanka ayaan ka qeyb qaadaneynaa, waxaa qeyb ka ahay dib u dhiska wadanka, waxaa la idiinka fadhiyaa dib u dhiska waddanka”.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo isna madasha qalin-jabinta ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad goonni ah u tahay ka soo qeybgalkiisa, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa farxad iyo reereyntii ii ah inaan maanta ka soo qeyb-galo xafladdan loo amaamuday adreyda qalin-jabineysa ee ah dufcadii 1aad ee Jaamacadda City, farxad gaar ah ayey ii tahay in aan ka soo qeyb galo oo aan goobjooge ka noqdo xafladdan maanta, maxaa yeelay, waxaan goobjooge ka ahaa abaabulkii iyo aasaaskii jaamacadda, maalintii la furayana goobjoog ayaan ahaa, marka farxad goonni ayey ii yahay in een riyadii maalintaas laga fakirayey in maanta rumowday, oo ay rajo aan halkan ka arki karno”.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) waxaa uu ardeyda qeybaheeda kala duwan u rajeeyay kuwii waxqabadkooda, hankooda iyo himmiladooda markey u romowday kadib dalka iyo dadka kaalintooda ka qaatay.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Cabdiraxmaan Xaashi oo sidoo kale hadlay ayaa sheegay in qarnigan uu yahay qarnigii cilmiga, oo dowladda keligiid aaney wax qaban karin, oo loo baahanyahay inay wada shaqeeyaan ganacstada, dowladda iyo jaamacadda in cilmiga la faa’ideysanayo la wada shaqeeyo.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Cabdiraxmaan Xaashi waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “ runtii ilaahey waxaa uu manneysay baddaas weyn oo aad aragteen, 3300 Km ah,  ama wax ku dhow 1 Milyan km² oo aagga dhaqalaha ah, muddadii sanadka iyo barka ku dhoweyd oo aan wasiirka ka ahaa…waxaan ogaaday badda ilaahey ina siiyay waxa ku jira iyo nooca uu kala yahay, kheyraadka, waa wax aad maalinba maalinta ka dambeyso aad sii yaabeyso, waxa ku jira, haddii ilaahey idmo waxaa rajeyneynaa oo wasaraddu rabo, oo umadda Soomaaliyeed sidii ay uga faa’ideysan laheyd hadii noqon lahyed kaluumeystaha, haddii ay noqon laheyd ganacastada, haddii noqon laheyd wixii dowladda dakhli ka soo geli lahaa, waxaa dadki ku qiysaasaan baddeena waxaa ka soo bixi kara 1 Bilyan iyo bar ilaa 2 bilyan oo dollar”.

Goobjoog News

Sawirro: