U bood dhigaalka

9 Ra’isul Wasaare Kadib, Liiska Iyo Tirada Wasaarado Ay Tahay In Aanuu Magacaabin Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre

Sheeko:Dalka

16-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa ka jiray wasiirro lagu keenay 4.5 iyo  mar uun wasiir i dhaha, wasaarado boorso lagu wato, wasiir kasta marka la magacaabo waxaa uu wasaaradda iyo shaqadeeda ka dhigaa mid beeleed, waxaa intaa dheer wasiirro magacooda la maqlo maalinta la magacaabo, waxqabadkoodana aan la arag, Hadaba sidee arrintaas looga gudbi karaa oo dalkan u yeelan karaa wasaarado iyo wasiirro yar oo dabooli kara baahida dalka iyo dadka?!

Inta Ra’isul wasaaraha la magacaabay ee Xasan Kheyre aan u sheegin liiska iyo wasaaradaha loo baahan yahay, waxaa muhiim ah in aan dib u xasuusanno Sooyaalka wasaaradaha Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay, 9-kii  ra’isul wasaare ee Kheyre ka horreeyay waxaad ku arki doontaan wasaarado ay dhiseen  oo kharash iyo waqti ku baxay mooyee  aan dalka u soo kordhin wax faa’ido ah habayaraatee, waa in casharro laga barto wixii hore, waxaana muhiim ah in aan arrintaas mar kale dhicin 2017-ka oo aan ka feejignaano!!

Sooyaalka Xukuumadihii Soomaaliya 2000-2017:

October 28, 2000: Xukuumaddii  Cali Khalif Galeyr waxa ay ka koobneyd illaa 29 wasaaradood, intooda badan waxba ma qaban, sidaasi ay tahay waxaan dhihi karnaa iney ahayd tillaabo fiican oo dowladnimada lagu bilaabay burburkii kadib, laakin waxqabad la’aan ayaa intooda badan wasiirrada lagu xasuustaa, waxaa intaa dheer wasaarado aan isweydiin karno maxaa loo sameeyay iyadoo aan ognahay in baahidooda aanay jirin xilligaas, waxaa ka mid ahaa: Wasaaradda Kallumeysiga, Wasaaradda warshadaha, Wasaaradda Isgaarsiinta, Wasaaradda Teknolojiyadda iyo Wasaaradda Biyaha.

February 16, 2001: Xukuumaddii Xasan Abshir Faarax waxaa ay ka koobneed 31 wasaaradood, haddii aan daacad u hadlo dhamaantood waxba ma qaban, laakin markii aan liiska wasaaradaha fiiriyay waxaa isoo baxday wasaarado aan loo baahneyn in meesha la keeno sida: Wasaaradda gaadiidka, wasaaradda dhaqanka, wasaaaradda qaxootiga, wasaaradda dhaqan celinta, wasaaradda tacliinta sare, wasaaradda warashadaha, wasaaradda iskaashiga caalamiga ah, wasaaradda dowladaha hoose, wasaaradda biyaha, Wasaaradda Lacagta, wasaaradda tecknoljiyadda iyo wasaaradda dalxiiska.

December 4, 2003: Xukuumaddii Maxamed Cabdi Yusuf waxaa ay ka koobneynd illaa 14 wasiir, waxqabad la’aanta waxaa ay kala sinnaayeen xukuumadihii ka horeeyay, laakin waxaa ku jiray wasaarado aan magacaabistooda loo baahneed waxaa ka mid ahaa: illaa 3 ra’isul wasaare ku xigeen, Wasiirka Dastuurka, wasiirka Tamarta iyo Korintada, wasiirka deegaanka, wasiirka kallumeysiga iyo wasiirro kale.

Junuary 7, 2005: Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi waxaa ay ka koobneed 45 wasaaradood, intooda badan looma baaneen laakin tusaale haddii aan u soo qaato waxaa ku jiray wasiirro aad la yaabi doonto waxa ay qabteen, waxaa ka mid ah: Wasaaradda golaha shacabka, Wasaaradda Tamarta, Wasaaradda dhulka, Wasaaradda Masiibooyinka qaranka, Wasaaradda Iskaashiga, Wasaaradda Tacliinta sare, Wasaaradda Kallumeysiga, Wasaaradda Warshadaha, Wasaaradda Xoolaha, Wasaaradda Amniga qaranka, Wasaaradda agoonta iyo naafada, Wasaaradda Betroolka, Wasaaradda Gadiidka, Wasaaradda Isgaarsiinta, Wasaaradda guriyeynta, Wasaaradda qurbojoogta, Wasaaradda Cashuuraha, Wasaaradda horumarinta reer miyiga, Wasaaradda Tecknoljiyadda, Wasiir-dowlayaasha  xafiiska madaxweynaha, Xafiiska ra’isul wasaaraha, wasiirka deegaanka iyo wasaarado kale oo intooda badan magac u yaal ahaa.

Augu 21, 2006: Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, waxaa ay ka koobneed illaa 31 wasaaradood, inta badan looma baahneed wasaaradahaasi, laakin qaarka aan la yaabay waxaa ka mid ahaa: wasaaradda gaadiidka dhulka, wasaaradda deegaanka, wasaaradda tacliinta sare, Wasaaradda korontada, Wasaaradda isgaarsiinta, Wasaaradda Gurimyeynta, Wasaaradda dib u heshiisiinta, Wasaaradda dib u dejinta, Wasaaradda Dalxiiska iyo wasaaradda amniga gudaha.

January 8, 2008: Xukuumaddii Nuur Cadde waxaa ay ka koobneed 15 wasaaradood, in kasta uu ahaa ra’siul wasaarihii ugu macquul sanaa hadana waxaa ku jiray dhowr wasaaradood oo waxqabadkooda su’aal laga keeni kar sida: Wasaaradda Tamarta, Wasaaradda amniga gudaha, wasaaradda dib u dhiska iyo wasaaradda Warshadaha.

February 21, 2009: Xukuumaddii Cumar Cabdirashid waxaa ay ka koobneed illaa 36 wasiir, waxaa ku jiray wasaarado aan kaligood istaagi Karin ama aan loo baahneed xilligaas sida: Wasaaradda qurbojoogta, wasaaradda Betroolka iyo Tamarta, Wasaaradda Guriyeynta, Wasaaradda warshadaha, Wasaaradda Hanti-dhowrka, Wasaaradda Kallumeysiga, Wasaaradda Dalxiiska, Wasaaradda Tecknoljiyadda, Wasaaradda Naafada, Wasaaradda Xuquuqul-insaanka, Wasaaradda dhaqanka iyo Tacliinta sare, Wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradda hor-u-marinta reer miyiga.

November 18, 2010: Xukuumaddii Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa ay ka koobneed illaa 18 wasiir, in kasta oo xukuumaddan ay tayo la baxday, dhowr wasaarad ayaa wax qabtay, wasaaradaha aan loo baahneen xilligaas oo Farmaajo uu magacaabay waxaa ka mid ahaa: 3 ra’isul wasaare ku xigeen, wasaaradda Miinada, Biyaha, Tamarta iyo Betroolka, waxaa kaloo isweydiin karaa waxqabadka wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka, Beeraha, wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Wasaaradda Kallumeysiga iyo deegaanka iyo qaar kale.

July 20, 2011: Xukuumaddii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa ay sidoo kale ka koobneed 18 wasaaradood, waxaa ku jiray wasaarado badan oo magac u yaal ahaa sida: wasaaradda Kallumeysiga, Wasaaradda Biyaha iyo Betroolka, Wasaaradda Gadiidka iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Wasaaradda Fedelismka, Wasaaradda Beeraha iyo wasaaradda guriyeynta, dhammaan wasaaradahan looma baahneen, waxaa kaloo aanan sheegin wasaaradaha loo baahnaa ee liiska ku jiray balse aan waxbo qaban.

November 4, 2012: Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoonoo ka koobneed 10 wasaaradood, waxaa ku jiray wasaarado aan wax micno ah xilligaas ku fadhigan sida: wasaaradda Kheyraadka dabiiciga, wasaaradda dib u dhiska iyo wasaaradda horumarinta bulshada.

December 12, 2013: Xukuumaddii Cabdiweli Axmed Maxamed, waxaa uu magacaabay illaa 25 wasiir, liiskaas waxaa ku jiray wasaarado tiro badan oo la is raaci karay, waqti iyo hanta ayaa ku baxday, wasaaradaha aan loo baahneen ee Cabdiweli uu magacaabay waxaa ka mid ahaa: wasaaradda amniga qaranka, Wasaaradda qorsheynta, Wasaaradda Tamarta iyo biyaha, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, Wasaaradda Macdanta.

February 5, 2015: Xukuumadda Cumar Cabdirashid waxaa uu magacaabay illaa 26 wasiir, qoor badan oo wasiirradaas ka tirsan lama maqal sidii loo magacaabay, looma baahneen, wasaaradahaas waxaa ka mid ahaa: Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga oo waxaa la raacin karay arrimaha dibadda, waxaa uu labo wasaarad u kala sameeyay dekadaha gadiidka badda iyo gaadiidka iyo duulista hawada, waxaa uu sameeyay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska, wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Amniga gudaha oo la raacin karay arrimaha gudaha, waxaa kaloo la isweydiin karaa waxa ay qabatay wasaaradda korontada iyo biyaha….dhammaan wasaaradahaasi waxaa loo baahnaa in wasaarado kale lagu daro laakin ma dhicin.

Hadaba, innaggoo ka tusaale qaadaneyna sooyaalkaasi xukuumadihii Soomaaliya soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa ra’isul wasaaraha la magacaabay Xasan Cali Kheyre la gudboon in uu magacaabo wasaarado tiro yar oo waxtar u leh umadda, isla markaana shaqeyn kara, waa imtixaanka ugu horreeya ee hor-yaalla wasiirka koowaad.

Hadaba, Wasaaradaha Ay Soomaaliya U Baahan Tahay Xillgan, Waa 13 Wasaaradood Oo Keliya, Liiska Hoos Ka Akhriso:

  1. Wasaaradda arrimaha gudaha, amniga iyo federaalka.
  2. Wasaaradda Xoolaha iyo Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah
  3. Wasaaradda Difaaca
  4. Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.
  5. Wasaaradda Arrimaha dibadda, qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.
  6. Wasaaradda Caafimaadka, Biyaha iyo arrimaha bulshada.
  7. Wasaaradda Maaliyadda
  8. Wasaaradda Dhaqaalaha(Ganacsiga iyo Warshadaha)
  9. Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka
  10. Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  11. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Howlaha Guud
  12. Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
  13. Wasaaradda Diinta iyo awqaafta

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo hortagi doona golaha shacabka maalmaha soo socda si loo ansixiyo, waxaan taladan ula jeedaa in wasaaradaha lagu saleeyo baahida dalka iyo dadka ee aan meel iska dhigno danaha gaarka ah iyo raaligelinta reer hebel.

W/Q: Cabdi Casiis  Axmed Gurbiye,