U bood dhigaalka

Warbixin : Maqaayadaha Lagu iibiyo Cunto-Wadaniga oo Kusoo Badanaya Hargeysa

Sheeko:Caafimaadka

hargeysaMaqaayadaha lagu iibiyo cunto-wadaniga, ee aanan ahayn bariiska iyo baastada ayaa kusoo badanaya magaalada Hargeysa, waxaana jira dad aad u badan oo aad u xiiseynaya cuntooyinkaasi sida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada Hargeysa Cumar Cali Xassan (Seerbiya).

Wariyaheena waxa uu booqdey maqaayad lagu magacaabo Gaafuun oo lagu sameeyo cunto-wadaniga, halkaasina waxaa ka jirey bulaan badan oo ay sameynayeen dadka halkaasi ku xoonsanaa oo iyagu dalbanayay cuntada.

Ibraahim Gaafuun oo ah mulkiilaha maqaayadda ayaa Goobjoog oga sheekeeyey cuntooyinka ay diyaariyaan, waxaana ka mid ah garoowga masagada, galleyda baalka leh iyo tan aan lahayn ee loo yaqaano Faro-Cad, Shuurada ama minshaarida laga sameeyo daqiiqda haruurka, digirta oo lagu daray macsatada, koronkorta, arabaqida iyo sareenka.

Wuxuu sheegey in markii hore ay samayn jireen cuntooyinka baastada iyo bariiska balse hadda ay u badasheen cuntooyinka wadaniga ah maadaamaa dalabka dadka uu batay, islamarkaasina ay tahay cunto nafaqadeedu badantahay.

Dadkii maqaayadda ka cunteeynayay waxaa ka mid ahaa Dr. Siciid Sheekh Maxamed oo isagu aqoon durugsan u leh cuntooyinka nafaqada leh, wuxuu sheegey in cuntada baalka leh ama aanan buunshada laga saarin ay yihiin kuwa dhisa lafaha, murqaha, seedaha , sidoo kalana caloosha u fiican.

Waxa uu sheegey in isagu shaqsi ahaan uu isaga dareemey wax weyn โ€œDaali meysid, maanta dhana waxaad tahay qof nashaadsan, calooshaadana waxbo ku istaagi maayaanโ€ ayuu yiri diktoorka oo dadka oga digey in ay cunaan cuntada la buunsho bixiyey.

Markii hore cuntooyinkani waxaa cuni jirey dadka waaweyn oo kaliya, balse haatan waa mid yar iyo weynba ay dadka safaf usoo galayaan, waxaana ugu wacan heerka aqoonta dadka oo korortey , iyaga oo garanaya nacfiga ay ka helayaan cuntooyinkani.

Inta uu hal qof ka dhergi karo oo cunto wadaniga ah waxaa maqaayadaha laga iibiyaa 3 kun oo shillinka Somaliland ah, taasi oo u dhiganta nus doolar oo kaliya, waxayna taasi ka dhigeysaa raashiinka ugu jaban qiimo ahaan ee laga heli karo Hargeysa.

Waxyaabaha micnaha badan usii yeelaya cuntadani ayaa ah in ay tahay mid dalka gudihiisa laga soo saaro, oo aanan dibada laga keenin, waxayna tani faaโ€™iido u tahay kobaca dhaqaalaha maxaliga ah maadaamaa dadka beeralayda ah dalagooda u helayaan suuq fiican.

Dhageyso

W/D : Cumar Cali Xassan (Seerbiya

W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)

Goobjoog News