U bood dhigaalka

Maxaa U Qabsoomay Maamulaha Xulka Qaranka?

Sheeko:Cayaaraha

Sanad ayaa iminka u buuxsantay wakiilla gaarka ee ciyaaryahanada Xulka Qaranka Soomaaliya macallin Saciid Cabdi Haybe waxaana mudadii la soo dhaafay wax qabadkiisa laga dareemayay guulaha Xulka ee ka qeyb galay ciyaarihii is reebk reebka koobka aduunka 2019.

Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa u mahad celiyay macallin Saciid Cabdi Haybe shaqadii quruxda badneyd uu soo bandhigay ,wuxuuna intaa ku daray in laga sugayo guuloiyo wax qabad intaa ka badan oo dhinaca guulaha Xulka Qaranka kubbadda cagta.

Gorfeeyaasha ciyaaraha Soomaaliya ayaa tababare Saciid Haybe iyo dhallinyarada qurbajoogta ku amaanay rajada cusub ay u yeeleyn guulaha Qaranka,iyagoo dhinaca kale sheegay in ay tani fursad weyn u tahay ciyaaryahanada ka dheela gudaha dalka ee rajada ka leh ka dheelista Caalamka.

Xirfada iyo kalsoonida ay soo bandhigeyn laacibiinta Xulka ayaa si weyn u soo jeedatay taageerayaasha Xulka waxaana xidigaha Ocean Stars 2019 loo muujiyay dareenka ka duwan sanidihii ka horeeyay,waxayna taas maamulaha Xulka ku dhalisay in uu raadiyo dhallinyaro kale oo ku haboon horomarka Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Soomaaliya ee ka dheela dalalka kala duwan ee Caalamka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wixii U Qabsoomay Saciid Haybe

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle