U bood dhigaalka

Warbixin: Maxay Aheyd Natiijada 8 Safar Uu Farmaajo Ku Tagay Khaliijka?!

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxyaabaha lagu dhaliilay muddada uu xilka hayey waxaa ka mid ah safarrada tirada badan ee dibadda, tan iyo markii la doortay waxaa uu Khaliijka keliya booqday 8 jeer, gaar ahaan 3da dal ee Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

Sida aad ku arki-doontaan sooyaalka hoose, Farmaajo 4 jeer uu Sacuudiga booqday waxaa ugu muhiimsanaa ballan-qaadyadii afka ahaa ee uu helay sida: in loo sameeyay mid ku saabsan dhismaha Airport, xafiisyo, waddooyin iyo arrimo kale, ilaa hadda waxba lagama fulin, Booqashadii Qatar ee sanadkii hore waxaa ku jirtay heshiis $200 Milyan oo mashaariic oo ay ku jireen dhimsha waddooyin ah, iyadana sidoo kale lama fulin,  Imaaraadkana 2 jeer uu Farmaajo tagay waxba kama soo bixin!

Haddaba Halkan Ka Akhriso, Sooyaalka Safarrada Farmaajo Ee Khaliijka:

February 23, 2017, Booqashada Farmaajo Ee Sacuudiga: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagay dalka Sacuudiga kadib 16 maalmood doorashadiisa, isaga oo magaalada Riyaadh kula soo kulmay boqorka iyo mas’uuliyiin kale, shir jaraa’id uu Farmaajo ku qabtay  Muqdisho markii uu soo laabtay, waxaa uu uga waramay waxyaabihii uu kala soo kulmay Sacuudiga.

Farmaajo waxaa uu sheegay in uu Sacuudiga kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, duruufaha Soomaaliya heysta, abaaraha, cunaqabateynta xoolaha, dib u dhiska dalka, kabidda miisaaniyadda, waxaa ay Sacuudiga ballan-qaadeen sida uu sheegay in ay dhisayaan dhismayaasha dumay ee xafiisyada dowladda oo baarlamaanka ka mid yahay, dhismaha waddooyinka dalka isku xira iyo Airporti cusub, arrimahaas oo madaxweyne Farmaajo sheegay in Sacuudiga ay fulin doonaan dhamman arrimahaas, hadana sanad kadib hal qodob lagama fulin!

April 10, 2017: Booqashada Farmaajo Ee Imaaraadka: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay Imaaraadka waxaa uu halkaasi kula kulmay dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan 10-kii bishan, kulanka ayaa ka dhacay hoyga lagu magacaabo al-Baxar,

Dowladda Soomaaliya War Saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay u qortay sidan“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay”.

May 21, 2017-Safarka Farmaajo Ee Sacuudiga: Madaxweye Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ka qeybgalay shirka Carabta, Islaamka iyo Mareykanka oo ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Shirkaas waxaa ka soo qeybgalay 55 dal oo Islmaa ah, waxaa halkaas khudbad ka soo jeediyay madax ah ka mid yihiin: Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Caziz, madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump, Boqorka Urdun, Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi iyo madaxweynaha Indonesia, shirkaas waxaa uu ahaa mid uu watay dalka Mareykanka, ka Soomaali ahaan waxba kama faa’idin!

May 24, 2017:Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa booqday Qatar, isaga oo halkaasi kulamo kula yeeshay Amiirka dalkaasi Tamiim. Wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed C/laahi ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah isaga oo kala hadlay dib-u-dhiska ciidanka, Wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa isagana la kulmay dhigiisa dalka Qatar Dr; Saleh Al-Nabi. Waxanay isla meel dhigeen wasiirradu sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo maal gashiga, si ay loo kobciyo wax soo saarka ay Soomaaliya qaniga ku tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa isna kulan kaas la mid ah la qaatay dhiggiisa Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

September 26, 2017: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu markii 3aad muddo 7 bil ah booqasho ku tagay Sacuudiga, 3 arin ayaa ugu muhiimsanaa ujeedada, in culeyska laga yareeyo marka laga hadlayo go’aanka dhex-dhexaadnimada leh ee uu ka qaatay Khaliijka, in mashaariicdii horay loo balan-qaday la fuliyo iyo in mushaarka dowladda la kabo

3da codsi ee uu Farmaajo Sacuudiga ula tagay waxaa ka hirgalay midka ugu dambeeyay oo ahaa in la kabo miisaaniyadda, horraantii October qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta waxaa lagu sheegay “Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

November 17, 2017:  Madaxweynaha waxaa uu markii 2aad safar ku tagay Imaaraadka, booqashadan lama sheegin wax Natiijo ah oo ka soo baxay, kulan uu mar kale Maxamed Bin Za’id la yeeshay 20-kii bishaas waxaa la sheegay in looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo ay labada dal wada daneeyaan.

November 28, 2017: Iyaga oo laga amba-qaadayo safarkii Farmaajo uu Qatar ku tagay May, waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socday Qatar, iyaga oo xukuumadda Soomaaliya ka saxiixday heshiis ku kacaya $200 Milyan oo mashaariic la saxiixatay dowladda federaalka ah, waxaa ugu mihiimsan dhimsha waddada Muqdisho-Afgooye 30 KM, Wadada Muqdisho-Jowhar 90 KM iyo xarumo kale oo dowladeed.

April 15, 2018: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu markii 4aad booqday Sacuudiga, laakin markan waxaa magaalada Dhahraan uga qeybgalay shirka jaamacadda Carabta. Farmaajo oo ka mid ahaa ilaa hoggaamiyeyaasha 15 dal oo carab ah oo shirka tagay, waxaa kullamaga xoogga lagu saaray arrimaha Falastiin, Suuriya, Libya iyo in la taageero Lebnon, taageeridda nabadda iyo horumarka Suudaan iyo Comoros , Qudus iyo dagaalka Mareykanka ee Suuriya, waxaa xusid mudan, laguma soo qaadin xaaladda Soomaaliya.

May 13, 2018: Madaxweyne Farmaajo ayaa markii 2aad booqasho ku tagay dalka Qatar, isaga oo la kulmay mas’uuliyiin uu ka mid yahay amiirka dalkaasi Tamiim, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.

Jamaal oo hadlayey waxaa uu yiri“Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” .

Dhanka kale, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.

Safarrada Madaxweynaha marka laga hadlaayo, dhibaatada Soomaaliya heysato waa labo arrin: Inta badan lama falanqeeyo natiijada safaradda madaxda dibadda ku aadaan, sidoo kale waxaa adag diiwaan gelin, oo ma jirto meel lagala socdo heshiisyada ay dowladda soo gasho, waxaana adag daba-galkooda.

Goobjoog News