U bood dhigaalka

Warbixin : Meherka Masaafada iyo Dhalinyarada Muqdisho

Sheeko:Caalamka

meherka masaafadaMasaafada waa dhaqan soo jireen ah oo diinta iyo hidaha Soomaaliyeed lug ku leh,islamarkaana qoowmiyado badan oo dunida ka jira ay ku dhaqmaan sida Hindida oo kale .

Sababo badan ayaa dadka ku kalifa in ay is masaafeystaan ,waxaana kamid ah duruufo dhaqaale oo inta badan ninka soo foodsaarto,caqabad ka timaada gabadha ama wiilka reekooda oo ah inaanan la isku ogalaneyn in labada qof ay is guursadaan ,iyo dabcan dad aan wali diyaar u aheyn in ay si toos ah u wada aqal galaan, kadibna ku hishiiyaan in ay is masafeytaan isna qarsadaan in muddo ah.

Magaalada Wanle Weyn oo magaalada Muqdisho u jirta 90km ayaa ah magaalo ku caan baxday masaafada waxaana inta badan taga lamanayasha ka taga Muqdisho si ay isu masaafeystaan. 90km waa masaafada ay tahay in loo jirsado waalidka ama waaliga gabadha .

Wariyaheena Maxamed Cabdi Afgooye ayaa booqasho ku tagay magaalada Wanle Weyn si aan wax badan oga ogaano sida uu yahay xaalka iyo halka ay wax marayaan kadib muddo sanooyin ah oo maamulkii dowladda ka horeeyey ee halkaasi ka talinayay ay mabnuuceen masaafadda.

Maxamed Xuseen waa wiil dhalinyaro ah oo masaafo u tagay magaalada Wanle Weyn, markii aan weeydiiney waxa ku kalifey in uu gabadha soo masaafeysto, ayaa waxa uu sheegey in reerka gabadha aysan labadooduba kalsooni ku qabin, islamarkaasina loo diidayo ama lacag badan lagu xujeynayo haddii uu gabadha ka doono.

Markii aan xusuusiney in guurka masaafada uusan banaaneyn ayaa waxa uu ku jawaabay “Walaahi Horta xagga Culumada arriintaasi waa mid la’isku khilaafsanyahay, culumo sheegeysa ayaa jirta in masaafada banaantahay, anaga koleey waalidiinteena wax baan kasoo dhaxalnay, masaafada waa mid soo jireen ahayd, dhaqan aan caado u leenahay, anigana uma maleeynaayo in ay qalad tahay, aniga sida aan aaminsanahay”

Waxaa fikirkaasi la wadaaga Sheekh Xasan Cabdiraxmaan oo ka mid ah culumada isu meheriya lamaanayaasha isla soo baxsaday.

Wuxuu sheegey in uu daliil u hayo in guurka masaafada yahay mid xalaal ah , wuxuuna yiri “Daliil ahaan masaafada waligeed ayay soo jiri jirtey, xiligii saxaabada waxaa dhacday Cabdiraxmaan Binu Cawf oo isaga markaasi taxkiim wax ku meheriyey, gabar la yiraahdo Umu Xakiim Bintu Qaaridha, ayaa waxa uu yiri umu xakiimeey ma i wakiilatay, ma ii dhiibatay amarkaaga nikaaxa, markaasaa waxay tiri nacam amarkeyga adaan kuu dhiibtey, markaasaa wuxuu yiri waan ku nikaaxay ogoow hadaba”

Wuxuu intaasi ku daray in maalintii marka uu suuqa wanaagsanyahay uu isku meheriyo 5 lamaane, mararka ay ugu hooseysana uu isku meheriyo 2 lamaane.

 

In kasta oo ay culmada ku kala qeybsan yihiin waxa ay diinta kaqabto masaafada ayaa hadana waxaa aad u xoog badan in masaafada aysan aheyn mid banaan, culumada qabta in guurka masaafada uusan xalaal ahayn waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Cali Jaamac .

“Ma ansaxayo nikaax wali la’aan , guurka waxa uu yiri nabiga wali ka maarmi meyso” ayuu yiri Sheekha oo intaasi raaciyey in haddii meherka dhoco, ilmo yimaadaan, islamarkaasina lamaanaha aysan horey u ogeyn in aysan banaanayn, ilmahaasi waa xalaal, guurkana waa in la cusbooneysiiyaa.

Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay xaakimiin ama qaadiyo iyaga isku meheriya lamaanayaasha, laakiin xafiisyada qaadiyada waa kuwa aanan wax hawl badan ah qabanin maadaamaa dadka siyaabo kale duwan oo ay masaafada ka mid tahay isku guursadaan.

Dr. Aweys Maxamed Cabdi waa qaadiga Afgooye, waxa uu Goobjoog u sheegey in guurka uusan marnaba ansax noqon doonin waali la’aan ama wakiil la’aan.

“Guurku waa heshiis, heshiiskaasi wuxuu ku dhaqangalayaa wali, wali la’aantiisana wax suurtogalayaa ma lahan, guurkuna wuxuu noqonayaa xaaraam” ayuu yiri Dr. Aweys.

Waxaa jira qoysas badan oo ku unkumay masaafada, hadana heysta carruuro badan, dadka qaarkoodna ilmahoodii ayaaba ilma sii dhalay.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Xasan Xeyloow, wuxuu qabaa in guurka masaafada uu yahay wax wanaagsan, haddii isaga uusan sidaasi samayn lahayne uusan maanta ahaadeen qoys buuxa.

Magaalada Wanle Weyn marka aad gashid wadada hareeraheeda waxaad ku arkeysaa illaa 30 munduleyaal ama qolal wax lagu meheriyo oo ay ku qorantahay darbiga in wax lagu meheriyo meesha, dhamaan qolalkani waa kuwa ay shaqo ka socoto maalin kasta.

Arrintani ayaa waxa ay magaalada u horseedey dhaqdhaqaaq ganacsi sida uu qabo Cali Cabdi Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada Wanle Weyn, “Lacagaha ayay naga sariftaan, maqaayadaha ayay wax ka cunaan, gaadiidkana waa ay kireystaan” ayuu yiri Cali oo intaasi ku daray in dad aanan si kale magaalada u imaan lahayn in ay yimaadaan, soona galiyaan dakhli aad loogu baahanyahay.

Haddii lamaanayaasha ay iska masaafeystaan magaalada Afgooye, waxa ay ku qasbanyihiin in ay gaari ka kireystaan Wanle Weyn, horeyna usii kaxeystaan wadaadka wax meheriya, iyaga oo aadaya deegaanka Leego si ay u dhamaystiraan masaafada 90km maadaamaa Afgooye iyo Wanle Weyn ay isu jiraan 60km.

Sida uu noo sheegey Maxamed Xuseen, marka ay muddo si qarsoodi ah ku wada joogaan gabadha amaba uu uur yimaado, ayay qorsheynayaan in reeraha ay wargaliyaan, kuwaasi oo caadi ahaan ku qasbanaada in ay hawsha fududeen, sidaasina reerka ku dhamaystirmo qoysnimadiisa iyada oo ogol laga wada yahay.

Dhageyso

Goobjoog News