U bood dhigaalka

Warbixin:- Naafada Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Oo Cabasho Ka Muujiyay Xaaladda Ay Ku Nool Yihiin (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Naafada ku nool magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxa ay la aad uga cabanayaan xaalad nolo xumo, taasi oo ay ugu horeyso cunno yari iyo caafimaad darro.

Degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayeey dadka naafada ah ku nool yihiin, iyaga oo qaarkood hoy u tahay guryo cooshaado ka sameysan iyo jiingado ay ku adag tahay inay bixiyaan lacagta kirada ah ee ay ku degan yihiin.

Qaar ka mid ah Naafadan dhiban ayaa wariyaheena Farxiya Cabdalla Muumin kula kulantay magaalada Muqdisho, xili ay raadinayeen nolol maalmeedka reerkooda.

Dubad Maxamed Rooble, waa Gudoomiyaha uru ay ku midoobeen Sideed Degmo oo ay ku nool yihiin dadka nafadda ah, isaguna waa Naafo aan lixaadkiisa dhameyn, oo mid ka mid ah Labadiisa Lug la, waxaana uu ka hadlay xaaladda naafadda Muqdisho sida ay tahay.

“Aniga oo ku hadlaya gudoomiyaha Nafaadadda oo ay ku mideysan yihiin Sideed Degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir, waxaan halkaan ka cadeynayaa dhibaatada ay naafada qabto wey kala duwan yihiin, waa dad aan wax barasho aan ka dhisneyn, waa dad caafimaad darro ay hayso, waa dad aan hoy lahayn, waa dad xarumadii hore ee dowladda dhexe xilligii Siyaad Barre loo sameeyay dad xoog leh ay ka deganyihiin, waa dad meel xirfad ku bartaan qaab dowlad ahaan aan gacantooda ku jirin, waxay ku dul noolyihiin mid bush degan, mid guri jajaban oo garaash ah iska degan, mid kale oo iska degan meel banaan ah oo qoraxda iyo roobka ku da’ayo, meel ay heestaan oo dowladda ama hay’ad ku og tahay malaha” ayuu yiri Dubad.

Dhanka kale waxa uu sheegay Dubad Maxamed Rooble in aanay haysan goobo caafimaad, waxaana cabasho uu ka muujiyay Goobaha caafimaadka iyo sidoo kale xarumaha kale ee hay’adaha aan loogu tala galin meel ay ka galaan oo meesha laga saaray in dad naafo ah ay jiraan.

Haweenka Naafada ah ayaa ah sidoo kale kuwa ugu daran ee hadana raadinaya nolosha reerkooda, iyaga oo suuqyada u kalaha xilli hore.

Caasha Maxamed waa hooyo 52 sano jir ah, araga la, waxa ay inoo sheegtay in waxa ay ka hesho suuqa degmada Xamarweyne qaab dawarsi ahaan ay ilmaheeda dabka ugu shiddo, kuwaa oo xilli hore aabahooda dhintay.

Dad badan oo ah naafo oo aynu la kullanay ayaa dhamaantood waxa ay ka sinnaayeen baaqa ku wajahan dowladda Federaalka ee ku aadan in ay wax ka qabato xaaladooda nolosha ah oo mudooyinkaan aad uga sii daraysay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News