U bood dhigaalka

Warbixin: Nolosha Aabbihii 30 sano miiska lahaa Ee Ku Dhintay Qaraxii Baladweyne

Sheeko:Amniga

Allaha u naxariiste waxaa qaraxyo is xigxiga oo ka dhacay magaalada Baladweyne maalinimadii arbacada ahayd ee todobaadkii hore ku dhintay in ka badan 48 qof sida ay xaqiijiyeen maamulka Hirshabeelle.

Inkastoo ay badnaayeen dadka ku nafwaatay qaraxyadaas hadane waxaa kasoo dhex muuqday aabo da’ahaan lagu sheegay 70 jir oo ku ganacsan jiray miis yar oo aay saaranyihiin loos, timir, tufaax iyo sabiib, halkaas oo uu ka maareeyn jiray nolosha qooyskiisa.

Aabbe Maxamed Maxamud Cali waxa uu lahaa laba reer, waxaana u joogay 13 caruur ah, wuxuu deganaa xaafadda Howlwadag ee magaalada Baledweyne, wuxuu ku ganacsan jiray miis yar oo qudaar iyo adeegyo kle uu ku iibin jiray, wuxuu ganacsigaas ku jiray mudo ka badan 30 sano.

Maxamed Maxamuud Cali ayaa la sheegay in waxbarashada carruurtiisa iyo nolosha labadiisa reer uu ka soo saari jiray miiska yar.

Mid kamid ah wiilashiisa oo aan sababa amni awgood aan u qarinay magaciisa ayaa sheegay in nolosha reerkooda ay ku tiirsanayd miiska yar ee aabbihiis uu lahaa.

“Aabbe wuxuu galab kasta suuqa geeyn jiray adeegyo yaryar oo dadku jecelyihiin sida Looska, Timirta, Sabiibka iyo Tufaaxa,” ayuu yiri mid kamid ah carruurta Aabbe Maxamed Maxamud Cali.

“Aabo ganacsigaan ayuu nagusoo koriyay, wuxuu ahaa ahlu salaad, daacad oo shaqo jecel,  Dhowr mar ayaan kula talinay inuu joojiyo shaqada oo aan anagu qabano laakiin wuu naga diiday,  Markaan maqalnay qaraxyada ka dhacay dhinaca bari ee magaalada markiiba waxaan dareenay cabsi iyo walwal, waxaana xigay in naloosoo sheegay geerida aabbe oo ku dhintay qaraxa ka dhacay isbitaalka hortiisa,  Waxaay ahaayd xanuun iyo uur kutaalo aan marnaba iloowi karin” ayuu yiri markale  mid kamid ah carruurta Aabbe Maxamed Maxamud Cali.

Aabbe Maxamed ayaa xaafada uu degenaa iyo halka uu ku ganacsan jiray waxaay masaafa ahaan isku jireen 1.5km, waxaana uu soo dhexmari jiray baro koontorool oo ciidanka dowladu deganyihiin isagoo lahaa macaamiil gaar ah oo adeegyadiisa ka iibsan jiray.

Allaha u naxariistee aabahan wuxuu kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne 23/3/2022.

Goobjoog News