U bood dhigaalka

Warbixin: Qaabka Madaxda Ugu Heshiisay Dhismaha Ciidamada, Tirada, Isku Dhafka, Tababarka Iyo Mishaarkooda

Sheeko:Dalka

Kulan ay madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ku yeesheen magaalada Muqdisho 15-16-kii bishan, waxaa looga hadlay dhismaha hey’ado amni qaran.

Sida ku qoran qoraal ama Documenti hor dhac ah oo ay heshay Goobjoog  News, waxaa lagu wadaa in Soomaaliya yeelato ciidamo isku dhaf ah oo qaran, sugi karana ammaanka guud ee dalka iyo midka maamul goboleedyada.

Ciidamadan oo ka kooban ciidamada dhulka, cirka iyo badda waxaa lagu wadaa in dhismahooda lagu soo gabagabeeyo 6-da bil ee soo socota.

Sida aad ku arki doontaan qoraalkan hoose, waxaa ku jira tirada ciidamada qalabka sida, Booliiska, Sectorada ciidanka, guddiga amniga qaran, isku dhafka ciidanka, Tababarrada, cidda bixineysa dhaqaalaha ciidanka iyo arrimo kale.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Oo Dhameystiran:

Ciidamada Qalabka Sida:

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaa tiradooda la gaarsiin doonaa ugu yaraan 18,000, tiradaasi kuma jirto Danab, ciidamada cirka, waxaa shaqadan loo qabtay 6 bil.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaa lagu tababari doonaa gudaha Soomaaliya, weliba qaab iyo siyaasad isku mid ah, waxaa la qalabeyn doonaa sidoo kale goobaha tababarka.

Booliiska:

Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaa tiradooda la gaarsiinayaa 32,000 oo ka koobnaan doona Booliiska Federaalka ah iyo Booliiska Maamul goboleedyada, waxaa ku jira ilaalada xeebaha iyo Daraawish.

Waxaa la sameyn doonaa ilaalada xeebaha “Coastguard” ay dowladda federaalka leedahay iyo  Coastguard Booliis oo maamul goboleedyada hoos taga, Mas’uuliyadooda dib ayaa laga sheegayaa, shaqadan waxaa lagu qabanaa 6 bil.

Sectors:

Sectors-ka ciidamada qalabka sida waxaa lagu jaan-goyn doonaa xuduudaha maamul goboleedyada, shaqadan waxaa lagu qabanaa 3 bil.

Cidamada qalabka Sida ee 18-ka kun ah, waxaa loo qeybinayaa sectorada ka ah: 12naad, 21naad, 43aad, 48aad, 54aad, 26aad iyo 60aad. Shaqadan waxaa lagu qabanayaa 6 bil.

Sector kasta waxaa uu yeelan doonaa  500 oo ciidanka gaarka ah ee Danab, taas oo macnaheedu tahay im maamul-goboleed kasta uu lahaan doono 500 oo askari oo Danab ah. waxaana lagu tababarayaa xerada Bali-doogle ee gobolka shabeelaha hoose, shaqadan waxaa lagu qabanayaa 6 bil.

Ciidamada maamul goboleedyada hadda leeyihiin waxaa ay qeyb ka noqonayaan ciidamada qalabka sida ama Booliiska, shaqadan isku dhafka ah waxaa lagu qabanaa 3 bil laga bilaabo 1da Juun.

Ciidamada hubeysan ee qeyb ka noqon waayo ciidamada la xushay, waxaa loo sameyn doonaa dhaqan celin, shaqadan waxaa ay qaadan doontaa 12 bil.

Guddiga Qaran Ee Isku Dhafka Ciidamada:

Guddiga qaran ee isku dhafka ciidamada waa in la dhisaa muddo 30 maalmood ah.

Guddiga Amniga Qaranka:

Madaxweynaha waa madaxa ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha golaha amniga qaranka.

Guddiga amniga qaranka, waxaa kaloo ku jira, madaxweynayaasha maamul goboleedyada, ra’siul wasaaraha, wasiirrada federaalka ah ee amniga, arrimaha dibadda, gudaha, cadaaladda, difaaca iyo maaliyadda, waxaa kaloo ku jira guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, shaqadan waxaa lagu qabanayaa 10 maalmood oo 17-ka bishan laga bilaabayo.

Ciidamada maamul goboleedyada iyaga ayaa laga rabaa in ay sugaan ammaanka maamul goboleedka, iyaga oo gacan ka helaya ciidamada qalabka sida.

Wada shaqeynta xafiisyada qaabilsan xagga amniga ee federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaa lagu dhameystirayaa 30 maalmood gudahood.

Haddii Taliye Sector la magacaabayo waxaa so jeedinaya taliya ciidamada qalabka sida, waxaa uu hor dhigayaa wasiirka difaaca kaas oo dhankiisa kala tashan doona madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Federaal Booliiska waxaa ay u report gareyn doonaan wasiirka federaalka ah halka booliiska maamul goboleedyada ay u report gareyn doonaan wasiirka maamul goboleedka.

Dhaqaalaha Ciidanka:

Dowladda Federaalka ah ayaa mas’uul ka ah maalgelinta, mishaaraadka iyo taageerada qalabka ciidamada qalabka sida.

Booliiska federaalka ah waxaa mas’uulka mishaarkiisa iyo qalabeyntiisa dowladda federaalka ah halka booliiska maamul goboleedka ay mas’uul ka yihiin mishaarka iyo taageerada booliiska maamul goboleedyada.

System ka shaqeeya Hufnaanta sida loo maamulayo maaliyadda ayaa ka howl gelin doonaa muddo 3 bil.

Beesha Caalamka waxaa la codsanayaa in ay maalgeliyaan dhismaha hey’adaha iyo ciidamada qalabka sida.

Miisaaniyadda amniga  waa in ay ku filnaataa mishaaraadka, qalabka, caafimaadka, tababarka, guriyeynta iyo howlgallada.

Dhamaan shaqooyinka iyo qeybsiga tirada ciidanka waxaa lagu saleynayaa dastuurka federaalka iyo hanaanka qeybsiga kheyraadka ee dalka.

Goobjoog News,

Warbixintan, Lama Qaadan Karo Ogolaashiyo La’aan