U bood dhigaalka

Warbixin: Qatar Uma Dhutineyso Go’doominta Dalalka Khaliijka…Ogow Sababta

Sheeko:Dalka

Dalka Qatar waxaa xiriirkii diblomaasiyadeed  u jaray illaa 9 dal, waa dal yar oo dadkiisa lagu qiyaaso 2.7 Milyan, waxaa madax ka ah Amiir Tamiim Bin Xamad oo talada qabtay 2013-kii.

Laga soo bilaabo subaxdii Isniinta markii ay dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Bahrain, Masar iyo Yemen  xiriirka u jareen dalkaasi, waxaa ku soo biiray dalal kale sida  Libya, Mauritania, the Maldives iyo Comoros kuwaas oo iyaguna si toos ah dalka Qatar ugu jaray xiriirkii diblomaasiyadeed halka Djibouti iyo Jordan ay hoos u dhigeen mataallada xagga diblomaasiyadda, waxaa sidoo kale safiirkeeda u yeertay dalka Senegal.

Dalka Qatar waxaa hadda saxiib ugu dhaw dalalka Kuwait, Iran iyo Turkiga, inta kale dalalka dariska la ah waa ay jareen, walaaca ugu badan waa sidee ku badbaadi karaan dal iyo dad ahaan? Ma heystaan keyd ku filan?

Hadaba, dhaqaalaha dalka Qatar ayaa la sheegayaa in aanu u dhuti doonin go’doominta Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn  oo dalalkaasi 3da ah marka la isku daro ay dhigan tahay 10% ganacsiga ay Qatar la wadaagto caalamka intiisa kale.

Marka aad fiiriso dhinaca Tamarta, Qatar waxaa ay ku jirtaa kaalinta 12 keydka gaaska caalamka, waxaa ay kaalinta 1aad caalamka ka tahay wax soo saarka gaaska dareeraha ah.

Dhinaca kale, xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Khaliijka iyo Qatar waxaa ka badan midka ay Doxa la wagaato caalamka intiisa kale, waxaa ayna carabta oo dhan uga horeysaa suuqa tartanka, horumarka bulsho.

Ganacsiga Doxa iyo Khaliijka dhexmara waxaa uu gaarayaa 10 Bilyan oo u dhiganta 11% halka  iskaashiga dhaqaale ee  Qatar iyo dunida  dhex mara uu gaarayo 89%.

Hadaba Halkan Ka Akhriso, Shaxda Dhaqaalaha Xooggan Ee Qatar:

Sida ay sheegay IMF-ta, wax-soo-saarka dalka Qatar ee sanadkii waa 170 Bilyan oo Dollar, halka dakhliga qof ahaan uu gaarayo 129 kun oo Dollar.

Gaaska:

Dalka Qatar keydka xagga Gaaska ah waxaa uu gaarayaa 2.4 trillion cubic feet , dalkan Qatar waxaa heystaa 12% keydka Gaaska caalamka, waxaa ka horreeya dalalka Ruushka iyo Iran.

Gaaska noociisa dareeraha ah ee liquefied natural gas (LNG) Qatar waxaa ay ku jirtaa kaalinta 1aad caalamka iyada oo soo saarta sanadkii 77 million tones.


Dhaqaalaha Qatar kuma tiirsana oo keliya Tamarta ee waxaa ka badan wax soo saarka aan tamarta aheyn, tusaale ahaa dhaqaalaha uu tamarka ka helo dalkaasi waa 39% , waxyaabaha aan tamarta aheynna waa  61%.

Dhaqaalaha Aan Tamarta Aheyn:

Sanduuqa ama hantida ma guurtada ah ee Qatar waxaa lagu qiyaasaa illaa 335 Bilyan oo Dollar.

Mashaariic la xiriirta koobka adduunka waxaa ay ku bixiyeen 98 Bilyan oo Dollar, waxaana la filayaa in sanadkan ay bixiyaan 13 Bilyan oo Dollar.

Dalka Qatar marka la fiiriyo suuqa tartanka, waxaa ay kaalinta 1aad uga jiraan carabta, dunidana kaalinta 13aad.

Horumarka banii’aadamka waxaa ay Qatar ku jirtaa kaalinta 1aad dhanka Carabta halka caalamka ay uga jirto kaalinta 33aad.

Firficoonaanta dhaqaalaha waxaa ay ku jirtaa kaalinta 2aad Carabta halkan dunida ugu jirto kaalinta 12aad.

Xiriirka Ganacsi ee Dunida:

Qatar waxaa ay xiriir ganacsi la leedahay wadamo badan oo caalamka ah sida: Jaban, Hindiya, Shiinaha iyo dalal kale, waxaase dalalka ugu badan ka mid ah:

Jaban: $17.7 Bilyan , Koonfurta Kuuriya: 16.2 Bilyan, Hindiya: 11.2 Bilyan  iyo Shiinaha: 8.2 Bilyan oo Dollar

Ganacsiga Doxa iyo Khaliijka dhexmara waxaa uu gaarayaa 10 Bilyan oo Dollar u dhiganta 11% halka dunida iyo Qatar iskaashiga dhaqaale ee dhex mara uu gaarayo 89%.

Dalalka Khaliijka tusaale ahaan haddii aan soo qaadano, Sacuudiga iyo Qatar waxaa dhex mara 1.9 Bilyan oo Dollar, Imaaraadka: 7.1 Bilyan oo Dollar iyo Baxreyn: 0.7 Bilyan oo Dollar.

Qatar iyo Imaaraadka:

Dhankeeda dalka Qatar  xiriirka uma jarin Imaaraadka, waxaa jira in Qatar ay Imaaraadka siiso 30% tamarta dalkaasi laga isticmaalo , iyada oo isticmaaleysa subsea pipeline, oo gaaraya 364 kilometers (226 miles) kana soo baxa Ras Laffan oo qatar ah illaa Abu Dhabi ee Imaaraadka, waxaa uu xambaarsan yahay 2 Bilyan  cubic feet of gas ah .

Siyaasad ahaan, Sacuudiga waxaa uu wataa shuruudo aad u adag si uu ula heshiiyo dalka Qatar, in kasta oo aan la hubin shuruuradaha saxda ah, laakin dadka wax falanqeeya waxaa ay ku soo koobeen 9 qodob:

  1. Xiritaanka Telefishinka Al-jazeera ama badalidda siyaasadda tifaftirka.
  2. In xiriirka u jaraan Ikhwaanka Musliinta, Xamaas iyo kooxaha kale.
  3. In Xiriirka u jarto dalka Iran
  4. In aaney faragelin siyaasadaha dalalka Khaliijka
  5. In Siyaasadaheeda la Jaan-qaadaan Khaliijka
  6. In ay joojiso Maalgelinta argigixisada
  7. In ay fuliso heshiiska 2014-kii
  8. In Masar faragelinta ka deyso
  9. In la xiraan xisaabaadka Bangiyada ee Xamaas

Goobjoog News

dakhli