U bood dhigaalka

Warbixin: Rajada Laga Qabo In Saddex Bil Kadib La Helo Cadaalad

Sheeko:Dalka

In la helo cadaalad waa mid kamid ah sababaha ay u taagnaan karto dowlad, taasi oo looga baahan yahay in bulshadeeda ay noqdaan kuwa hela cadaalad ku filan oo lagu wada maamulo.

Haddii aanay cadaaladdu jirin waxaa bulshada ka maqan adeegga ugu muhiimsan ee ay hoggaanka dalka ka heli lahaayeen.

Dad badan ayaa qaba inuu aad u hooseeyo nidaamka garsoor ee dalka, taasi oo dad bandanna ay ka cawdaan, madaxda dalkana ay ka warhayaan inaanay jirin nidaam garsoor oo dadku isku haleyn karaan.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo kumanaan qof kula hadlay garoonka Koonis Axaddii lasoo dhaafay, ayuu sheegay in Saddexda bil ee soo socota wax ka qaban doonaan cadaaladda.

Haddii aynu dib u xusuusanno hadallada madaxweynaha waxaa kamid ahaa:

“Amaanno iyo amni waa howl is wadata oo aan hadda wadno, cadaaladda soo ogaada Saddexda bil ee soo socota waxaan ka qabanno, waa dhammaatay umaddaan Soomaaliyeed oo dhibaateysan in xaqoodii heli waayaan wax fiican ma ahan, ragga odoyaasha ah oo xaakimiinta waxaan idiin sheegeynaa haddii awal ay jireen inaad guryo xukuntaan Shan Shan jeer waqtigeeda wuu dhammaaday, in hooyo oyneysa ama qof xaqiisa u oynaya aad dhibaateysaa waqtigeeda wuu dhammaaday, cadaalad baa la idin ka rabaa, haddii aad keeni weysaan annaga nama matashaan, shacabkana ma matashaa, dowladda ma matashaan waxaad ku dambeyneysaan xabsi”

Hadabada hadalkaasi dhaqan galkiisa dad badan waxay u arkaan haddii tallaabo la qaado in waxbadan ay ka fuli karaan.

Agaasimaha cilmi barista Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi waxa uu qabaa in tani ay tahay tallaabo loo baahnaa balse ay sugeyso dhaqan gelin.

“Dhibaatooyinka garsoorka Soomaaliya haysta waxaa loo baahan yahay in la derso oo dhinac kasta laga fiiriyo, kuwaasi oo kala duwan oo qaar burburka keenay, qaar dowlad la’aantu keentay, qaar colaaduhu keeneen, qaar aqoontii iyo caqligii meesha ka baxay ay keeneen, waxaas oo dhan in la derso ayaa loo baahan yahay, Saddex bil waxaa dhici karta iney degsadaan qorshihii ay ku howlgeli lahaayeen laakiin Saddex bil dhibaatadii 25 sano soo jiitameysay 25-kii ka horreysayna la tabanayey cadaalad isma lihi Saddex bil ayaa lagu xalin karaa, laakiin rabitaanka ay dowladda rabto, iney garteen dhibaato iney jirto iyo iney usoo jeesteen tallaabo bilow ah waaye waana loo baahan yahay in Garsoorka loo  soo jeesto” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi.

Waa muhiim in bulshada ay hesho cadaalad, lagana gudbo caqabadaha hadda taagan si dad badan oo tirsanaya in lagu sameeyay cadaalad darro ay u helaan xuquuqdooda.

Professor Maxamed Xasan Doob waxa uu isna qabaa in si loo helo garsoor adag ay muhiim tahay in degdeg loo dhiso hay’addii garsoorka qaranka Soomaaliyeed.

“Dhismaha hay’addii garsoorka qaranka Soomaaliyeed in la dhiso ayaa muhiim ah, hay’addaasi horaa loo kala direy, haddaan la dhisinna garsoor ma dhismayo, garsoorka dalkana ma noqonayo mid sharciyo haysta, waxa ugu horreeyo oo dalkaan u bukaa waa cadaalad, si cadaaladdii loogu sameeyo dabogal waxaa muhiim ah in la dhiso guddigii garsoorka qaranka Soomaaliyeed”

Cadaaladdu ma kala laha sarreyn, hanti iyo sharaf, waa mid ah in loo wada sinnaado dadkuna ay ka sugayaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Goobjoog News