U bood dhigaalka

Warbixin: Saamaynta Dagaalka Ruushka iyo Ukraine Uu Ku Yeeshay Sicirka Maciishadda!

Sheeko:Amniga

Waxaa maalmaha sare u kac laga dareemayaa qiimaha shidaalka iyo cuntada iyada oo sabab looga dhigayo dagaalka Ruushka iyo Ukrain, abaarta, Covid 19 iyo arrimo kale.

Goobjoog News ayaa kormeer u tagtay suuqyada Muqdisho, innaga oo ganacsatada kala sheekeysanay sare u kaca iyo meelaha uu saameeyey.

Raashinka: Marka aad tagto goobaha lagu iibiyo raashinka nuucyadiisa kala duwan sida Burka, Bariiska iyo Sokorta ayaa waxaa ganacsatada iibisa ay kuu sheegaan in maalin waliba sicirka uu sii kaco, laga soo bilaabo bishii Decembar 2021-ka.

marka la eego Bariiska nuuca loo yaqaano Xamsaha  ayaa Loorkiisii waxaa uu yahay $48, halka Sokortu ay marayso loorkeedii $38, halka Loorka Burka ah la iibinayo $36.5, halka sicirka ayaa sare u sii socda raashinka maalinba maalinta ka dambayso.

Bariiska nuuca laoo yaqaano Basmatiga Al-fanaar ayaa waxaa jirin sare kac badan oo ku yimid waxaana 10 kiilo la  gadayaa $14.5, halka bariiska nuuca Muumin oo sida weyn loo isticmaalo magalada lagadayo 10-ka kiilo $14.5, waxaa sidoo kale sare kac laga dareemayaa Baastada waxaana nuuca Turkiga ah dheer dheer iyo makaroonida iyadoo  la iibinayo $9.5, halka nuuca Taliyaaniga ka timaada ee Santa Aliinda loo yaqaano kortoonkeedii lada nuun  la iibinayo suuqyada $14.5.

Saliida Cad:Sare ukaca ugu weyn ayaa waxaa uu ku yimid Saliida nuuca loo yaqaano cadayda, taas oo ay siweyn bulshadu u istimaasho, waxaana ay gaartay sicirkii ugu sareeyey  abid sida ay sheegayaan ganacsatada, waxaana suuqyada fuutadii la iibinayaa $250 taas oo ka dhigan in Liiterkii uu yahay $2.5, waxaan sare kac badan uu san ka jirin saliida Macsarada ah Liitarkii ayaa $4, waxaana ganacsatadu ay sheegayaan in suuqyada caalmka ay ka kacday iyo dalkaaka ka socda Ukraine.

Caano Booraha: Caanaha oo inta badan ka ymaada dibadda ayaa waxaa dhankooda ku yimid sare u kac sida laga soo warinayo suuqyada caasimadda, Caanaha loo yaqaano Suciidiyaan  ayaa waxaa  Kartoonkii laka iibsanayaa $102, halka caano Xilwaha la iibinayo Kartoonkii $105, caanaha Ankor ayaa dhankooda waxaa la iibinayaa $105 kartoonkii, caanaha caruurta kuwa loogu isticmaalka badan yahay gaar ahaan Nuuna Lag ayaa waxaa kartoonkii 6-da xabo ah la iibinyaa $45 halka Ifalag ay yihiin Kartoonkooda 12 xabo ah $102, caanaha ayaana kamid ah waxyaabaha dalka dibadda uga imaada.

Dahabka: Dahabka oo kamid ah waxyaabaha inta badan aadka loo isticmaalo inta badan kaga yimaado dalka dibadda gaar ahaan Sucuudiga Iyo Singbur, waxaana suuqyadaa lagu kala iibsanayaa midka Sucuudiga ka imaada Gaankiisii la iibinayaa $60, halka midka ka imaaday Singabuur uu Garaam $65, waxaana uu kamid yahay waxyaabaha sare u kaca uu ku yimid.

Cuntada Dalka:  Abaarta ka jirta dalka waxaa ay keentay in sare u kac laga dareemo dalagyada kala duwan ee dalka kasoo go,a, kuwaas iyagana bulshadu ay siweyn ay u isticmaalaan, gaar ahaan Digirta, Masagada iyo Galayda, waxaana ganacsadu ay sheegayaan in ay sal u tahay abaarta dalka ka jirta iyo Roob yarida, Digirta Gaduuda ayaa waxaa Loorkeedii suuqa weyn ee Bakaaraha la iibinayaa 1500,000 SH, halka  loorkii ay tahay 600,000 SH, Galeyda ayaa la iibinayaa Loorkii 900,000 SH, Salbukada nuuca ka timaada Kenya ayaa $26, halka Qamadi suuqyada la iibinaayo $31sida laga soo ogaaday Baakaaraha.

Hilibka Geela: Waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha sare u kaca uu ku yimid, waxaana ganacsadu ay sheegayaan in maalmihii tagay suuqa uu ku yaraa Hilibka, waxaa ay sabab uga dhigeen Geelii la keeni jiray oo suuqa ku yaraaday iyo dulaaliinta oo sare u qaaday lacagtii dalaalka, Kiilada Hibka ee Lafta leh ayaa la iibinaa $6, halka saafugu tahay $8.

Qudaarta Cagaaran: Qudaarta oo kamid ah waxyaabaha siweyn loo isticmaalo gaar ahaan ku biyo ku noolka ah ayaa sareu kac laga dareemay kadib markii abaar baahsan dalka ku dhufatay iyo Wabiyada dalka uu biyo la,aan noqday, waxaana kuwa kacay kamid ah Yaanyada oo koombadeedii ay gaartay 25000 sh walow saakay la iibinayo 18000sh, waxaa sidoo kale sare u kacay Ansalaatada ayaa jawaankii la iibinayaa 230,000 SH, halka gacankii uu yahay 22,000sh, waxaa sidoo kale kacay.

Baradhada iyo Basasha oo inta badan banaanka ka yimaado ayaa waxaan ka jirin sare kac sidaas ah, waxaana kiilada Baradhada la iibinayaa 22000sh, halka basha Gaduudka ah ee aadka loo isticmaalo ay tahay 18000sh, waxaa sidoo kale sare kac badan uusan ka jirin qaraha, maadama xiligaan kuleelka ah uu yahay xiliga uusoo go,o, ganacsatada ayaa sheegay inuu kaco waqtiga Roobka ah, waxaana xabadkiisa fiican la iibinayaa 2$ 1.5$, sida aad ku arkayso goobaha lagu iibiyo Qaraha.

Maacuunta wax lagu karsado: Maacuunta oo kaalin muhiim ah uga jirto nolosha aadanaha ayaa waxaa ku yimid sare kac, gaar ahaan kuwa dibadda ka yimaada iyo Balaasiga dalka lagu sameeyo, waxaana ganacsadu ay sheegayaan in ay sare u kacday heerkii ugu saraysay, mid kamid ah ganacsada iibisa maacuunta oo la hasashay Goobjoog News ayaa sheegtay shaygii uu kordhay wax ka bada $2, waxaana ay u sababaysay in suuqa alaabta imaanaysa ay ku imaanayso qiima sareeyo.

Ganacsatadu waxaa ay sheegeen in Kartoonka alaabta lagu soo qaadi jiray $190, hadda lagu soo qaado $250, tusaale ahaan marka aan eegno Garaafada iyo goobka la socda oo la gadi jiray $7, hadda waxaa la iibinayaa $10, digsiga yar ee 1$ la iibin jiray, waxaa la iibinayaa $2, Baafka waaweyn ee dharka lagu dhaqdo waxaa la iibinayaa $8.5, halkii horay u ahaa $4.5, kiisa yar ayaa waxaa la iibinayaa $6, halka kiisa yar la iibinaayo $3, waxaana la arkayaa in qiimuhu uu kacay mid sare.

Goobjoog News