U bood dhigaalka

Warbixin: Sharci La’aan Keentay In Madaxweynaha Dhaarta Kadib Uu  Hotel Jiifto, Kuna Shaqeeyo

Sheeko:Dalka

Soomaaliya waxaa ka jira xilligan fowdo dastuuri ah, in sidaasi dhacdo, cid uunbaa u sabab ah, haddii aan qalad jirin sidee madaxweyne la dhaariyay uu dibadda uga joogataa madaxtooyada qaranka(Villa Somalia”?!

Haddii ay tahay in madaxweynaha hore uu xil wareejin sameeyo, isla markaana uu muddo sii joogo madaxtooyada(Villa Somalia)  maxaa dastuurka  ama sharciga doorashada sidaasi loogu qori waayey? maxaa loo kala fogeyn waayey doorashada iyo dhaarta  iyo xil-wareejinta madaxweynaha? Arrimahaasi sow caqabad kuma aha shaqada madaxweynaha cusub?!!

Su’aalahaasi, waxaan hordhignay Xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoon-yahanno iyo xataa guddiyada doorashada, intooda badan waa ka gaabsadeen, inta hadashana, waxaa ay uga hadleen arrinkan si taxadar iyo xusho ku jirto!!

Qoraalkan ma khuseeyo magacyo gaar ah iyo hebel ayaa dibadda jooga iyo hebel kale ayaa gudaha madaxtooyada ku jira, ujeeddada waa sixid, waa arrin dastuuri ah oo anfaceysa qaranka  Soomaaliyeed iyo in qaladkan aanu soo laaban doorashada 2020-ka.

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo sida ku qoran dastuurka qodobbadiisa 90aad iyo 91aad, waa madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa uu leeyahay xuquuqda uu siinayo dastuurka qodobkiisa 90aad, waxaa ayna shaqadiisa bilaabatay saacaddii la dhaariyay.

Madaxweyne Farmaajo Saacaddan La Joogo Waxaa Uu Qaban-Karaa:

(1) Wuxuu ku dhawaaqi karaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga. (2) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. (3) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu. (4) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1). (5) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad. (6) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo. (7) Wuxuu furaa Golaha Shacabka. (8) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar. (9) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.

Haddii  Madaxweynaha cusub uu awoodahaasi dastuurka  qaranka siinayo,  Maxaa Hotel dajiyay Farmaajo?, Haddii xataa madaxtooyada(Villa Somalia) lagu maamuusayo madaxweynihii hore, Ma loo waayay guri ay dowladda leedahay? waxaa kaloo warar ku dhaw Madaxweyne Farmaajo ay sheegayaan in xilligan aanu qaadan Karin wax go’aan ah ama aanu qaban Karin wax shaqo ah ee uu sugayo xil wareejinta, waa maxay xil wareejinta mar haddii la dhaariyey? !!

Mid ka mid sharci yaqaannada Soomaaliyeed, lana shaqeeya dowladda federaalka ah, oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso waxaa uu sheegayaa in dhibaatada ay tahay sharciyada loo dajiyay doorashada dalka oo aan lagu sheegin qaabka xil wareejinta ama xilliga kala guurka!!

Abuukaatahan waxaa uu intaa raaciyay in ay yar-tahay xilliyada ay Villa Somalia ka dhacday xil wareejin rasmi  ah isagoo soo qaatey xilligii Aden Cadde uu 1967-dii isla maalintii laga adkaadayba uu ku wareejiyay Cabdirashid Cali Sharma’arke, xilligaasi wixii ka dambeeyay Soomaaliya xil wareejin rasmi ah kama  dhicin ilaa laga soo gaaro doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh 2012-kii.

Doorashadii 2012-kii, Sheekh Sharif oo doorashada looga adkaaday ayaa muddo Villa Somalia ku jiray, dhaqankiina weli waa socdaa oo hadda  Madaxweyne Farmaajo Hotel ayuu joogaa halka madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu madaxtooyada ku jiro, waxaa uu isweydiiyay ma laga yaabaa in 2020-ka uu qaladkan soo laabto!!

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo arrinkaasi aan wax ka weydiinay waxaa uu qabaa in hadal-heynta arrinkani ay tahay mid laga leeyahay ujeeddo gaar ah, madaxweynaha hore boorsooyinkiisa halloo tuuro miyaad leedihiin ayuu ku qeyliyay isagoo Xildhibaan Dhalxa aan ka jawaabin, maxaa sharci arrinkan loogu sameyn waayey?!!

Dr. Liibaan Xuseen Ciise oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho waxaa uu qabaa in lagu guul-dareystay in sharciyo loo dajiyo maamuuska loo sameeyo madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo midka cusub, waxaa uu sheegay in aanay sharci aheyn madaxweyne la dhaariyay in uu madaxtooyada dibadda ka joogo balse ay Soomaalida u tahay xeer aan qorneed!!

Mar aan weydiinay sababta dhaarta madaxweynaha dib loogu dhigi waayey illaa maalinta caleemo saarka, waxaa uu Dr. Liibaan sheegayaa in dunida 3aad madaxdeeda aan  la aamini Karin, sidaasina loo dadajiyay dhaarta si beesha caalamka marqaati uga noqoto, waxaa uu soo jeediyay in ay haboon tahay in madaxweynaha cusub la dajiyo mid ka mid ah guryaha martida dowladda iyaddoo lagu sugayo ammaankiisa.

Faadumo Qaadim Dhayid waa aqoon-yahan iyo siyaasi Soomaaliyeed, mar aan arrintan wax ka weydiinay waxaa ay sheegtay in madaxweyne Faraamo ay ceeb tahay in uu daganaado Hotel ijaar ah, iyaddoo soo jeedisay in arrinkaas si degdeg ah wax looga qabto.

Faadumo Dhayib, waxaa ay eedda dusha ka saartay dadka  dajiyay sharciga doorashada oo ka taliyay in fowdadan ay dhacdo, waxaa kaloo ay soo jeedisay in ceebtan aanay soo laaban 2020-ka oo mar dambe madaxweyne rayid ah aanu dhex joojin Villa Somalia halka madaxweynaha rasmigana uu ku sugayo Hotel.

Xildhibaan-ka, Abuukaataha , Aqoon-yahan-ka iyo siyaasiga waxaa ay isku raaceen in arrinta aanay aheyn  oo kaliya Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee  ay horay u jirtay, haddana ay jirto, lagana yaabo in ay sii jirto 2020-ka, waxaana la sugaa guddiga doorashada madaxa bannaan in ay arrinkaas sharci ka soo saaraan si aan qaladkaas mar kale u soo laaban.

Dooddan waxaa la faa’idi karaa:

  1. In guddiga doorashada madaxa bannaan ee Xaliimo Yarey ay ka fakiraan sida loo maamuusayo madaxweynaha 2020-ka.
  2. In Sharci gaar ah oo qoran loo sameeyo hab maamuuska labada madaxweyne
  3. In laga fakiro in dhaarta loo dib dhigo maalinta xil wareejinta
  4. In madaxweynaha cusub haddii aanu horay ka dagi Karin madaxtooyada la sii dajiyo guri ay leedahay dowladda Soomaaliya iyaddoo ammaankiisa ay sugayaan ciidamada ammaanka.
  5. In ay isla socdaan dhaarinta, xil-wareejinta iyo madaxtooyada.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Email: [email protected]