U bood dhigaalka

Warbixin: Sida Looga Jawaabey Abaaraha Dalka Janaayo Illaa Maarso 2017-ka

Sheeko:Dalka

Xaaladda bani’aadamnimo ka jirta Soomaaliya waxa qarka u saarantahay in ay gaarto heer musiibo ah, waxaana sii kordhaya walaaca ah in dhabaha ay ku socoto si wel wel leh ula mid tahay musiibadii abaartii ka dhacday Soomaaliya 2011-kii oo dad lagu qiyaasay 260,000 qof ay ku naf waayeen. Maanta dad lagu qiyaasay 6.2 malyan oo ah in ka badan kala bar dadka dalka waxay wajahayan cunto yari ba’an, tirada caruurta la il daran nafaqo darida ay sii kordheyso. Xaaladan quusta ah waxay imaaneysa colaad dabadheeraatay oo mar hore soo jirtay taa oo carqaladeysay hab-nololeedka iyo adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka iyo biyaha dalkana ku riday dhibaatooyin qoto dheer.

Roobabka oo aan di’in ayaa sii xumeysay xaaladaha abaarta oo baabi’isay dalagyada iyo xoolaha. Xoola-dhaqatada waxaa si isu soo tareysaa loogu qasbay in ay socdaan masaafooyin dhaadheer iyagoo raadsanaya daaq iyo biyo. Si wadajir ah Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyo shabakadeeda mutadawiciinta baaxadda weyn waxay sii wadaan in ay caawiyaan bulshooyinka saameysay abaarta  oo ku sugan meelaha u nugul colaada oo ay adag tahay in la gaaro Soomaaliya oo dhan.

Hoose waxaa ka muuqda guud mar gargaarka deg degga ah oo la bixiyey inta lagu guda jiro ka jawaabidda abaarta.

Hawlaha Gargaarka

Hawlahan waxaa loo fuliyey si deg deg ah oo hufan oo loogu gol leeyahay in lagu badbaadiyo nolol waqtiga abaarta, iyo in lagu dhawro hab-nololeedka khatarta deg degga ku sugan. Hawlahan waxaa ka mid ah cunto qeybin, lacag cadaan ah iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qoyska.

  • 111,792qof waxay heleen cunto ka kooban bariis 50 kiilo graam, digir 25 kiilo garaam iyo 10 litar oo saliid ah halkii qoysba
  • 65,652qof ayaa taageero dhanka dhaqaalaha ah oo lacag caddaan ah ay heleen
  • 32,718qof waxay heleen waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qoyska oo ka kooban maacuun, 3 maryo kaneeco, 2 jiirgaan oo toban litar qaad ah, 1 baca roobka, 2 derin, xirmo alaabta fayo-dhawrka ku jirto oo loogu talagalay hooyada iyo canugga, 6.25 kiilo garaam oo boorash ah (mushaalli) iyo 2 shaal halkii qoysba.

 

Hawlaha Daryeelka Caafimaadka

ICRC waxay dadka ay saameysay abaarta iyo colaada u xaqiijineysa in ay helaan adeegyada caafimaadka asaasiga ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah oo la aqoonsanyahay. Soomaaliya, ICRC waxay taageertaa afar isbitaal, labo xarumaha xanaanada deg degga ah iyo 25 bukaan-socod eegtooyin oo ku kala yaalaan bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

  • 54,538 bukaan waxay daryeel caafimaad ka heleen xarumaha ay taageerto ICRC iyo 25 bukaan-socod eegtooyin oo ay maamusho Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.(SRCS)
  • 2,355 qof ayaa la dhigay xarumaha lagu dabiibo daacuunka oo ku kala yaalaan Isbitaalada Kismaayo iyo Baydhabo
  • 7,436 caruur da’dooda ka hooseyso shan sano oo nafaqo dari haysay ayaa la dhigay xarumaha xanaanada deg degga oo ku dhex yaalaan Isbitaalada Kismaayo iyo Baydhabo. 977 oo ka mid ah caruurtaas oo haysay nafaqo dari ba’an ayaa la dhigay Qeybta Daryeelka Deg degga ah.3, 675 haween uur leh iyo kuwo nuujinaaya heleen taageero dhanka nafaqeynta ah.

Ka jawaabidda Biyaha iyo Nadaafadda guud

ICRC waxay dadka iyo xoolaha ku sugan meelaha abaartu ku dhufatay siisaa biyo waxayna labadaba u xaqiijisa helitaanka biyo nadiif oo ammaan ah.

  • Iyagoo loo dhisay 3 ceel loona dayactiray 9 ceel ayaa 15,500 qof heleen biyo
  • Soomaaliya, sanadkii 2016-kii waxaa la dhammeystiray 72 ceel iyo mashaariic ceelasha ah ayaa dad gaaraya 152,920qof ka heleen biyo nadiif ah
  • Iyagoo loo qeybiyey aquatabs iyo meelaha biyaha laga helo oo biyaha lagu daray koloriin ayaa 236,696 qof ka faa’ ideystay helitaanka biyo ammaan ah oo nadiif ah

Goobjoog News