U bood dhigaalka

Warbixin: Wax Ka Ogow, Habraaca Ay Soomaaliya Ku soo Saari Karto Shidaal

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa halka ay Soomaaliya maanta joogto diyaar-garow ahaan iyo maxaa naga dhimman oo loo baahanyahay in la qabto ka hor shirka London, waxaan ku soo koobnay 12 qodob, oo aan la bilaabi karin wax shaqo am heshiis ah iyada uu hal qodob ka dhimman yahay. 

(1): Ma Jiraan Wax Diyaar Ah: Meesha Soomaaliya ay iminka joogto ayaan ka bilaabaynaa. Hawsha hadda u qabsan Dawladda Federaalka waxaan ku soo gaabin karnaa sidaan:

  1. Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen Dawladaha Xubin Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka.
  2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla
  3. Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment)
  4. Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement.
  5. Waxaa la diyaariyay Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement). Shirkad kasta oo Soomaaliya la galayso heshiis waxay kula galaysaa Modeelka Soomaaliyeed.
  6. Waxaa kaloo diyaar ah xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya.

(1): Maxay Tahay In La Qabto Ka Hor Shirka: Waa muhiim in aan isweydiinno, maxaa naga dhimman oo loo baahan yahay inay diyaar noo ahaato? Intaan ayaa naga dhimman ka hor bid -round ga (bixinta qandaraas balook- yada):

  1. Si sax ah in loo ogaado shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada. Balookyada ka dib waxay noqonayaan kala qiimo, oo ay ku kala duwanaanayaan mugga shidaalka oo la qiyaasay.
  2. Waxaa xiga in la sameeyo qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment).
  3. Ka dib Wasaaradda Batroolka waxay soo xulaysaa balookyada shidaalka ee u diyaarsan inay qandaraaska ka mid noqdaan. Dokumeentiyada, xogaha seismikada, iyo maabab oo diyaar ah ayaa la hor-geynayaa Golaha Wasiirada oo ka dib markay ansixiyaan u gudbinaya Baarlamanka Federaalka, si u soo ansaxiyo.
  4. Dhinaca kale waa inay diyaar ahaadaan Sharciyada iyo xeer-hoosaadyada kor ku xusan oo dhammaan is-waafaqsan. Is-waafajinta sharciyada waa hawl weli ka dhimman shaqada.
  5. Waxaa kale loo baahan yahay Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) inuu diyaar yahay. Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Waxaa dhawaan la billaabayaa daraaf-garaynta Sharciga Cashuuraadka. Hawlaha.
  6. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Waa in la diyaariyaa khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka in loo soo bixiyo.

Sidaas awgeed, waxaa muuqata in loo baahan yahay hawlaha dhimman si wanaagsan in loo dhammaystiro. Ma dhici karto si qabyo ah in loo gudo galo hawsha bixinta balookyada. Haddii kale, waxay la mid noqonaysaa inaan gadno khayraadka waddanka qiimo raqiis ah oo aad iyo aad u yar.

Goobjoog News