U bood dhigaalka

Warbixin : Waxbarashada Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

CadaaddoKumanaan arday oo qaba dareeska gaarka ah ee iskuulaadka, waa muuqaalka iska caadiga ah ee subax kasta ay kusoo toosto magaalada Cadaado, kuwaasi marka dadka tacab iyo shaqo u dareeraan iyaguna u dareera goobaha waxbarashada.

Magaalada Cadaado waxaa ku yaala dhawr iyo 10 iskuul oo isugu jira dugsi hoose/dhexe iyo sare, waxaa kale oo ku yaala ugu yaraan labo jaamacadood, waxaadna halkaasi ka dareemi kartaa baaxadda ay leedahay waxbarashada halkani ka jirta.

Si aan waxbadan oga ogaado xaaladda waxbarasho ee magaaladani ayaa waxa aan raacay koox dhalinyaro ah oo reer Cadaado kuwaasi oo dhawaan kasoo qalinjabiyey jaamacado ku yaala magaalada Muqdisho, kadibna dib ugu soo laabtay deegaanka bal si tacliintii ay soo barteen ay dib ugu soo celiyan deegaankooda.

Dhalinyaradani waxa ay leeyihiin urur lagu magacaabo HEDO oo ka shaqeeya horumarinta deegaanada Ximan iyo Xeeb, waxaan tagnay iskuulka hoose dhexe ee Cumar Faaruuq, kaasi oo ay maamusho daladda waxbarashada ee Iftiin taasi oo maamusha illaa 9 iskuul ku kala yaalo Cadaado iyo magaalooyin kale oo gobolka ku yaala.

Iskuulka Cumar Faaruuq waxaa dhigata illaa 500 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, galinka hore waxaa gasha shan fasal, galinka dambana shan kale.

Markii aan illinka ka galnay fasalkii ugu horeeyey ayaa waxaa noo dhacay sacab xoog badan, waxaana ardayda ka muuqan karay edaab iyo dhawrsoonaan, waxayna si miidaansan hadalo oga dhageysteen waftigii dhalinyarada jaamiciinta ee booqdey, kuwaasi oo u jeediyey hadalo guubaabo ah.

Injineer Maxamed Cabdullaahi Dhagocade oo ah agaasimaha dallada Iftiin ayaa dhankiisa sharaxaya xogta iskuulkani “Kani waa fasalka sagaalaad, sanadkani 350 arday ayaa u gudbeysa dugsi sare, 35 kalana waxa ay ka gudbeysaa dugsiga sare” ayuu yiri

Maamulaha Iskuulka Hoose dhexe ee Cumar Faaruuq Mudane Axmed Maxamed Xasan ayaa sidoo kale iiga warbixiyey iskuulka taariikhdiisa oo kooban

“Iskuulkani waxaa la asaasay sanaddii 2009-kii, waa kii ugu horeeyey ee degmadani laga asaasay , waad aragtaan maanta heerka ay marayso waxbarashada degmada” ayuu yiri
Inkasta oo dhamaan bareyaashii aan iskuulka ugu tagtay ay yihiin jaamiciyiin, hadane maamulaha waxa uu ii shegey in ay ku yaryihiin macalimiinta maadaamaa dadkii waxbartay ee macalimiinta noqon lahaa ay iska joogaan magaalooyinka waaweyn.

“Aniga marka aan halkan ka hadlayo waxaa loo maleeyaa in aan reer Cadaado ahay, uma baahnid in aad reer halkan ahaatid si aad halkan oga shaqeysid, waa laguu baahanyahay haddii aad leedahay aqoon aad dad wax ku bari kartid” ayuu intaasi ku daray.

Dad kala duwan oo aan kala sheekeystey xaalada waxbarasho ee Cadaado waxa ay ii sheegeen in shacabka ay haatan si rasmi ah ugu baraarugeen muhiimadda ay leedahay waxbarashada, waxaana xitaa jira dad badan oo waaweyn oo xiliga habeenkii ah waxbarta, waxaa dadkaasi ka mid ah askarta oo maalinkiina qoriga garabka u suranyahay, habeenkiina goobaha waxbarashada xaadira.

Dadka qaarkood waxaba ay qabaan in ay Cadaado noqoto sida magaalada Borame oo kale halkaasi oo waxbarashada loo doonto. Sida ay hadda wax ku socdaane saansaanteeda waa ay leedahay maadaamaa ay tahay magaalada ugu horeysa xagga waxbarashada guud ahaan gobolada dhexe ee hadda maamulka loo dhisayo.

Waxaa ii muuqanaysay in gabdho badan ay kusoo biireen goobaha waxbarashada, fasaladii aan booqanayna waxaa kala bar ama ka badan fadhiyey gabdho tacliinta u heelan, waxayna taasi soo jiidatay mid ka mid ah waftigii dhalinyarada ee aan la socdey oo oo lagu magacaabo Khaliif “Waxaan aad ugu faraxsanahay dhamaan fasaladii aan aragnay gabdhaha iyo wiilasha waa kala dhig, waxayna ka turjumeysaa sida dadka deegaankani ugu soo jeedaan waxbarashada”.

Goobjoog News