U bood dhigaalka

Warbixin: Xaaska Qalbi-dhagax, Gabadhiisa, Xildhibaanno Iyo Aqoon-yahan Villa Somalia Ku Cadaadinaya Ka Hadlidda Mas’uuliyadda Xariggiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Baaqa Maamo Khadro Maxamed Cabdi  oo ah xaaska Qalbi-dhagax iyo Fartun Cabdikarim Muuse oo ah gabadhiisa ay dirayaan waa kii ugu dambeeyay baaqyo isdaba joog ah oo laga codsanaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in ay ka hadlaan sababta muwaadinka Cabdikarim Muuse(Qalbi-dhagax) loogu gacan-geliyay Cadawga Itoobiya.

Villa Somalia, waxaa ay muddo todobaad ah ka aamusan tahay xariga Qalbi-dhagax, ma aha markii ugu horeysay ee arrin noocan ah ka aamusaan, su’aalo badan ayaa jawaabahooda laga sugayaa madaxweyne Farmaajo iyo wasiirkiisa 1aad sida: Cidda iska laheyd go’aanka xariga Qalbi-dhagax? Qofka Khiyaanadan geystay? Sababta loo xiray? iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah ciqaabta iyo xil ka qaadista dadkii dhacdadan ka dambeyay! Waxaa muuqato markan in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda federaalka ah ku fahmeen siyaasadda ah….”aan aamusno waa la ilaawi doonaa!

Fartun Cabdikarim Muuse(Qalbi-dhagax) oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegtay in aaney war ka heyn aabaheed tan iyo inta la xiray, waxaa kale oo ay meesha ka saartay in ay jiraan mas’uuliyiin dowladda federaalka ka tirsan oo arrintiisa kala hadlay ama wax u sheegay.

Fartun Cabdikarim waxaa ay ka hadashay in waalidkeeda uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, isla markaana calanka Buluugga ah uu ka difaacay cadawga Itoobiya, iyada  oo codkeeda caro ka muuqata ayaa waxaa ay tiri: “Aabahey dalka dembi kama galin ee waa uu difaacay,  waxaa dambiile ka dhigay Farmaajo iyo Kheyre una gacan galiyey cadowgii uu waligiis la dagaalamayay”.

Fartuun oo sidoo kale ka hadashay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo ay rajo ka qabtay ayaa waxaa ay madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ugu baaqday in ay si dhaqso ah ku soo daayaan aabaheed “Waxaan leeyahay Farmaajo Cali Kheyre haddii si degdeg ay aabahey ku soo celin waayaan ha ogaadaan inay dhici doonaan oo xukuumaddooda iyo dowladdooda aysan sii jiri doonin”

Dhinaca kale, waxaa Goobjoog News la hadashay Khadro Maxamed Cabdi oo ah xaaska  Qalbi-dhagax,  iyada oo sheegtay In Qalbi-dhagax loo gacan galiyey Itoobiya oo ay ku wareejiyeen Kheyre iyo Farmaajo,  ninkii markii hore loo keenana uu ahaa Sanbaloolshe”

Maamo Khadro ayaa intaasi ku dartay “Itoobiya ayaa loo gacan galiyey Adis ababa ayaa laga dejiyey Thaabit ayaa raacay ayaa nalku yiri,  haddee waa la iibsaday Itoobiya ayaa laga gatay”

Mar ay ka hadleysay Baasaboorka uu wato waxaa ay tiri “Waxaan waa been abuur kuwa hadda dhiibay waxay isku shub-shubteen waaye,  Cabdikariim waxaa uu lahaa Baasaboor Soomaaliya ah, waxaa loo dhoodhoobay Baasaboor xun oo safaaradda ah, documentiyadii oo dhan way ka qaateen”

Khadro Maxamed Cabdi ayaa ugu dambeyntii tiri “Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre in Cabdikariim xuriyaddiisa ay dib ugu soo celiyaan,  meeshii ay ka qaadeen ee dalkiisa,  gacanta Itoobiyana ka soo bixiyaan,  calankiisa in dib loogu soo celiyo oo aan aragno sidaas ayaa u sheegayaa”

Xaaska Qalbi-dhagax iyo gabadhiisaba waxaa ay baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ugu baaqeen in ay arrinkan la hadlaan, iyaga oo shacabka ku dhiirigeliyay in ay baraaruga sii wadaan.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibrahim(Qoono) oo ka tirsan golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa isna sheegaya “Mas’uuliyadda waa in ay cid yeelataa, muwaadinka Soomaaliyeed waa la xiri karaa, Maxkamado ayaa leenahay, haddii marka loo gacangeliyo cid kale, waxaa ay ila tahay, waa arin dastuurka ka hor imaaneyso, waa arrin ka hor imaaneyso muwaadinimada, arrin wadajirka iyo Somalinimada ka hor imaaneyso waaye, aniga waxaan leeyahay ciddii mas’uuliyadaasi laheyd waa in ay qirataa? Waa in ay sheegataa, waa in baarlamaanka abaal-mariyaan oo umadda Soomaaliyeed abaalmarisaa ciddii mas’ulliyadaas iska laheyd”.

Cabdikarim Xuseen Guuleed oo ahaa madaxweyinihii hore ee Galmudug ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid“ugub ku ah dalka, magaalada Muqdisho oo aheyd hoyga iyo gabaadka qofka Soomaaliga ah iyo arrin ka soo horjeeda dhaqanka iyo karaamada Soomaaliya iyo xitaa in dadka ka niyad jabeen hoggaanka dalka”.

Professor Cabdi Ismacil Samatar oo arrinkan ay Universal weydiisay waxaa uu ku jawaabay “Waxaa weeye, waa jariimad qof galay, Itoobiya haddii ay leedahay qofkan jariimad ayuu galay, ha soo bandhigto oo Interpol ha u dhiibto, laakin aniga waxaan qabaa Itoobiya taariikhda horayna waa looga sheegay, dadka Itoobiyaanka waa dad caadi ah oo walaalo nahay waayey, jaarna aynu nahay, ilahey niskeyn baday, dadka Oromada, dadka Cafarta, …waa wada dhibaateysan yihiin…dowlada Itoobiya muddo iminka 100 sano ku dhaw ayey ku talo jirtay in ay Soomaali kala tagto, marka qaran Soomaaliyeed, qof Soomaali ah, oo weliba aan dambi lagu soo cadeyn intay qaadaan ay u dhiibaan, Xasan Kheyre iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo Jariimad Weyn oo ay Galeen”.

 

Waa Qoraallo Faceboogga Lagu Daabacay:

Faarax Moalim

qd 1Capture

Goobjoog News